Sunday, July 13, 2014

Sababo Cabsiyeed Oo Loo Hakiyey Mashaariicdii Turkigu Ka Waday Muqdisho

Muqdisho:July,13,2014(Himilo)-Turkiga oo  kaalin sare kaga jirta  Dawladaha caawiya xukuumadda Xasan sheikh, ayaa si rasmi ah  u hakisay Hawlihii taakulaynta ahaa ee ay muqdisho ka wadday.

tureeSababta loo hakiyey Taban-taababadii muqdisho laga ssamayn jirey, ayaa loo nisbaynayaa Cabsi soo korodhay oo laga qabo xoogagga Al-shabaab oo weerarro aan kala Go lahayn ku haya Goobo ku yaalla Caasimadda Somalia.

Safaarada Turkigu waxay Shaqaalaheeda Magaalada Muqdisho ku wargelisay in labada toddobaad ee Ramadaanka ka dhiman, la hakinaayo mashaariicda iyo shaqooyinka kale, ee ay ka wadaan Caasimada Muqdisho.

Kulan Sabtidii shalay dhex maray Madaxda Safaarada iyo Shaqaalaha Turkiga ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in hakad la gelinaayo hawlaha uu Turkigu ka wado Xarunta Somaliya.

Shaqaalaha Turkiga ee ka shaqeeya nadaafada Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in mudada ka dhiman Ramadaanka, aanay soo shaqo tagin, isla-markaana ay iska nastaan.

Dadka degen Magaalada Muqdisho, ayaa bishaan Ramadaan dareemay in mintidiinta Shabaabku kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment