Tuesday, July 15, 2014

Sirdoonka dalka Kenya oo Kashifay Shaqsiyaad reer Kenya ah oo ka dambeeyey weerarro ka dhacay dalkaas

Nairobi, 15 July, 2014-(Himilo):- Sirdoonka waddanka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in laba Nin oo Keenyaan ah la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarradii dhawaan ka dhacay deegaannada Xeebta ku yaalla ee dalkaas, kuwaasoo lagu dilay in ka badan 90-qof oo reer Kenya ah, ka dib markii toddobaadyadii u dambeeyey dhawr weerar laga fuliyey deegaannadaas.

Riot policemen hit protestors participating in a demonstration against lawmakers' salary demands outside the parliament buildings in the capital NairobiWar ay soo saartay Waaxda Sirdoonka Kenya, ayaa lagu sheegay in Idris Kimau iyo Abuu Jamaal ay horkacayeen weerarradaas oo dhawaanahan si joogto ah uga dhacayay deegaanno ku yaalla gobolka Xeebta Waqooyi-Bari ee dalka Kenya ee Lamu oo ay ka mid tahay Mpeketoni oo ay ku dhinteen 63-qof, kuwaasoo ay sheegatay Mas’uuliyaddooda kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Sirdoonka Kenya waxay warbixintooda ku shaaciyay in Abuu Jamaal uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidammada Kenya, hase ahaatee, uu muddooyinkaan dambe ku xidhnaa Xarakada Al-Shabaab.

Warbixintan oo lagu daabacay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, ayaa sidoo kale lagu xusay in Idris Kimau uu kaalin weyn ku leeyahay weerarrada ay fulinayso Al-shabaab, isla markaana uu ka soo jeedo Qowmiyada Kikuyada ee dalka Kenya.

Isla warbixintan ayaa lagu sheegay in Idris Kimau uu immika ku sugan yahay deegaanka Boni oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, halkaasoo ah goobta ay weerarrada ka dhacaya gudaha dalkaas kasoo abaabulaan isaga iyo Saaxiibbadiisa argaggixisada ahi.

Sirdoonka dawladda Kenya, ayaa iftiimiyay in Abuu Jamaal iyo dagaalyahanno la socdaa ay ku hawlan yihiin immika weerarro ka dhan ah deegaanno ka tirsan magaalada Mombasa oo ah gobolka Xeebta Kenya ku yaalla, halkaasoo Muslimiinta ah magaalada ay Muslimiinta ugu badani ku dhaqan yihiin ama deegaanka koowaad u ah marka la barbar dhigo dhulka kale ee Kenya.

Dadweynaha ku nool deegaanno ay ka mid yihiin; Milindi, Ijara iyo Garsen oo ka tirsan dalka Kenya, ayaa looga digay, isla markaana lagu wargeliyay inay ka feejignaadaan weerarrada kaga iman kara xoogga taabacsan Al-shabaab.

Macluumaadkan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee ay Sirdoonka Kenya baahiyaan, waxaanay arrintani imanaysaa wakhti ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee dalka Kenya ay iska fogeeyeen ku lug lahaanshaha weerarrada ka dhacaaya gobolka Xeebta ku yaalla ee waddanka Kenya oo ay dawladdu kuwii ugu dambeeyey ku eedaysay Mucaaridka, isaga oo Madaxweynaha Kenya iyo Wasiirkiisa arrimaha guduhu-ba sheegeen in dadka fulinaya weerarradan ay yihiin dad reer Kenya ah.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment