Srebrenica, 17 July, 2014-(Himilo)- Maxkamad ku taala dalka Netherlands, ayaa xukuntay in dawladda Netherlands ay mas'uul ka ahayd dilka in ka badan saddex boqol (300) oo Ruux loogu geystay magaalada Srebrenica intii uu socday dagaalkii Bosniya sannadkii 1990-kii.
Dadkaasi waxa ay miciin bideen intii aan la dilin ka hor Saldhig ay laheyd Qaramada Midoobay, hase-yeeshee, Ciidamada nabad-ilaalinta ee Dutch-ka, ayaa ku wareejiyay dadkaasi Ciidamadii Serbiyiinta, kuwaasoo laayay dhammaan dadkaasi oo u badnaa Rag, kuwaas oo u dhashay dalka Boosniya.
Sida ay Maxkamaddu ku doodayso, waxaa illaa sugan oo la odhan karay haddii loo oggolaan lahaa in ay Saldhigga joogaan, inay noolaan lahaayeen.
Koox Haween ah oo la magac-baxay “Hooyooyinka Srebrenica”, ayaa waxa ay Dacwad ku oogeen dowladda in ay ku guul-darreysatay in ay badbaadiso kumanaan Rag ah oo qaraabo la ahaa oo ku sugnaa gudaha iyo agagaarka Saldhigga.
Kumanaan ka mid ah dadka Muslimiinta ah ee asalkoodu yahay Boosniyiinta, ayaa ciidamada Seerbiyiintu kula kaceen xasuuq isir-reeb ah, ka dib markii ay burburtay Jamhuuriyaddii Yugoslavia oo wakhtigan dhowr waddan oo ka tirsan qaaradda Yurub.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment