Friday, August 1, 2014

Guddoomiyaha SOLJA oo Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha 5aad ee Ururka

Hargeysa (Himilo)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa Guddi-qaban-qaabo oo ka kooban todoba xubnood u magacaabay Shirweynaha 5aad ee Ururka oo muddada uu qabsoomayo aan la cayimin.

Guddoomiyaha SOLJA oo maanta soo saaray qoraal uu ku socodsiiyey guddiga Fulinta ee Ururka isla markaana Ogeysiin la siiyey Guddoomiye ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee SOLJA, waxa uu Guddiga fulinta ka codsaday inay sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan guddiga Qaban-qaabada shirweynaha shanaad ee SOLJA.

xasanGuddoomiye Xasan Maxamed Yuusuf, waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in Dastuurka Ururku ururku u baahan yahay dib-u-eegis iyo kaabis lagu sameeyey, sidaa awgeedna uu ugu magacaabay Garyaqaan uu ka soo dhex-xushay Ururka Qareennada Somaliland inuu naaqishaad ku sii sameeyo muddada ka hadhay shirweynaha.

"Aniga oo tixraacaya qodobka lixaad faqradda (b) oo sheegaya in shirweynaha ururku qabsooomo saddexdii sannaba hal mar, waxaan magacaabay guddiga qaban-qaabada shirweynaha 5aad anigoo tixraacaya faqradda (c) ee qodobka lixaad.

Magacyada Guddiga

  • Maxamed Cabdi Jaamac (Xuuto) – Waaheen

  • Maxamed Aw Aadan Cabdi – Freelance.

  • Barkhad Maxamuud Kaariye – Radio.

  • Maxamed Yuusuf Ilkacase – Foore.

  • Ayaan Cabdirisaaq Jaamac – WIJA.

  • Salma Cabdiraxmaan Sheekh – Wasaaradda Warfaafinta.

  • Axmed Maxamed Jaamac – Somali Channel.


Waxaan ka rejaynayaa xubnaha guddida Fulinta inay ansixiyaan Xubnaha Guddiga qaban-qaabada ee kor ku xusan, idinka oo gudanaya waajibaadkiina distooriga ah, si aynu hore ugu sii soconno qabsoomidda shirweynaha oo wakhtigiisii joogo.

Dhinaca kalena, si loo qabyo tiro distoorka ururka oo u baahan dib u eegis iyo kaabis, waxaan magacaabay Garyaqaan. Maxamed Siciid Xirsi in uu mudada shirweynaha ka horaysa ka sii shaqeeyo qabyada distoorka si shirweynaha loogagag dodo kadibna loogu Ansixiyo.

Hawl maalmeedka Guddida qaban qaabada shirweyanaha 5aad ee SOLJA

  • Guddida qaban qaabadu waxay masuul ka tahay dhamaan hawlaha la xidhiidha qabsoomida iyo Habsami u socodka shirweynaha.

  • Diiwaangelinta sugida Ergooyinka Shirweynaha

  • Masuuliyada hagida shirweynaha intaan la dooran shir-guddoonka

  • In ay fidiyaan martiqaadka Ergooyinka rasmiga ah iyo goob joogayaasha shirka

  • Diyaarinta Kharashka ku baxaya shirweynaha

  • Inay ku diyaariyaan Shirweynaha mudada loo cayimay,” sidaas ayuu u dhignaa qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha SOLJA.


Dhinaca kale, waxa maanta magaalada Hargeysa Shir-jaraa’id ku qabtay Guddoomiye ku-xigeenka ururka Maxamed Cabdi Curad iyo Xoghayaha Guud Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo khilaaf dhinaca maamulka ahi u dhexeeyo Guddoomiyaha ururka, waxay maanta magacaabeen guddi qaban-qaabo oo diyaariya Qorsheyaasha iyo kharashka shirweynaha Ururka, kuwaas oo ka kooban shan xubnood oo ay ku jiraan xubno ka tirsan guddiga Fulinta ee SOLJA.

No comments:

Post a Comment