
Israil ayaa markii hore sheegtay in ay joojineyso duqeynteeda cirka iyo badda ay kaga waddey Qasa muddo shan saacadood ah, codsiga Qaramada Midoobey dartiis, muddo yar kadib ayaa ururka Xamaas ku dhawaaqey in ay dhankooda hakinayaan Gantaalada aan waxyeelada badan geysan ee ay isku difaacayaan.
Xabbad-joojinta kumeel-gaadhka ah ayaa imaneysa iyada oo 4 wiil oo yaryar Israil ay ku dishey gantaal xeebta marinka Qasa maalintii shalay, waxaana indhahooda ku arkaayey weriyaal ajnabi ah oo deganaa hotel xeebta ku dhaw, kuwaas oo sheegey in aanay jirin goob amaan ah oo dadka rayidka ahi ku badbaadi karaan.
Kumaankun Falastiiniyiin ah ayaa maalmihii u danbeeyey isaga qaxay guryahoodi kuwaas oo u baxsadey badhtamaha iyo koonfurta Qasa xerooyin qaxooti oo UN ku ka hirgeliyey halkaas.
Tan iyo markii Israel weerarka ku qaadeen marinka Qasa waxaa ay dileen dad kor u dhaafaya 220 qof, kuwaas oo 80% ay ahaayeen dad rayid ah sida laga soo xiganayo Qaramada Midoobey iyo goobaha caafimaadka.Halka gantaalada Xamaas isku difaaceyso u ku dhintey hal qof oo yuhuudi ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment