Tuesday, July 15, 2014

Xildhibaan si Qaawan u weeraray Mudaneyaal ay Wakiillada ka wada-tirsan yihiin oo Xukuumadda dhaliilo u jeediyey

1873Hargeysa, 15 July, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mida Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka difaacay dhaliilo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ku daray siyaasaddooda hoggaamineed, waxaanu meel ka dhac ku tilmaamay in Xisbiga WADDANI kala garan-waayo cidda ay saaran tahay masuuliyadda hoggaaminta dalka.

bukhaariXildhibaan Saleebaan Bukhaari oo shalay warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka jawaabay hadallo masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi ku sheegeen in cid kale madaxweyne Siilaanyo ku weheliso ka arriminta iyo hoggaaminta talada dalka.

“Waxaa maalmahanba soconaayey in Xisbiga WADDANI uu warbaahinta u sheegayey in Somaliland Madaxweynaheeda iyo Cid dadka u talisa aan la garanayn, Guddoomiyaha WADDANI-na uu yidhi baadhid kasta oo aanu samaynay waxaa noo xaqiiqa noqotay  in aan cid dalka u talisa aan la garanayn. Waxaan rumaysanahay in uu hadalkaasi yahay hadal meel ka dhac ah, waxaan maanta leeyahay oo hagaagsan in aan erayada qaar layska odhanin nin la ogyahayna aan taariikhdiisa aan la qarin, nin walibana waxaa uu la soo baxay waa la eegi doonaa  markaa hadaladaas in ay yidhaahdaan oo maalin walba ay Xisbiga WADDANI ay isla soo taagaan ragbadan oo uu ka mid yahay Gudoomiyahooda,Ku-xigeenkooda,Af-hayeenka,xildhibaan Rayte oo caadaystay Cayda Madaxweynaha oo maalin walba Caafimaadka Madaxweynaha wax ka sheega,”ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari

Xildhibaan Bukhaari oo hadalkiisa sii wata waxa uu si badheedh ah u weeraray xildhibaano ay ku wada-jiraan Aqalka Wakiillada oo xilal ka haya xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi, “Waxaanu leenahay Raytoow waxa aad qabato taariikhda ayaa sheegi doonta, Ina Buubaana waxaan leenahay lambaro badan ayaad Xamar ka haysaa oo Xidhiidhkaaga waan ognahayee nimaan shaqo ku lahayn ha eedaynin. Waxaa kale oo jirta in WADDANI hoggaankiisa ugu sareeya, ay xaqiiqo tahay in ay Imaaraadka ay kula shireen Dawlada Xamar ee Xasan Shiikh iyaga oo leh,Waxaanu nahay ragii isku keeni lahaa Somaali ee naga warhaya oo na taageera.”

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment