London, 19 July, 2014 (Himilo)- Diyaarad Rakaab oo laga leeyahay waddanka Malaysia oo siddey 283 qof oo rakaab ah, ayaa maalinimada Khamiista ee doorraad lagu soo riday meel ku dhow Xuduudka u dhexeeya dalalka Ukraine iyo Russia, ka dib markii lala beegsaday gantaal lagu ganacay, waxa ku qudh-baxay dhammaan dadkii rakaabka ah ee saarnaa oo u kala dhashay 10 waddan iyo 15 qof oo ahaa shaqaalihii diyaaradda.

Dhacdadan oo ay ka hadleen hoggaamiyeyaal badan oo ka tirsan waddamada reer Galbeedka, ayaa wax weyn ka beddeshay khilaaf siyaasadeed oo ka dhex-aloosan reer Galbeedka iyo Ruushka oo ku hirdamaya gacan ku haynta awoodda milatari iyo dhaqaale ee waddamo hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeeti oo xilligan ka mid ah Midowga Yurub.
Dawladda Ukraine ayaa weerarkan ku eedaysay malleeshiyaadka ay dagaalka ku jiraan ee Bariga dalkaas, waxaanay beeniyeen inay wax masuuliyad ah ku leeyihiin gantaalka lagu soo riday diyaaradda, iyada oo Madaxweynaha dalka Ukraine, Petro Poroshenko ku tilmaamay falkan mid argagixiso ah, waxaanu soo jeediyey in baadhitaan caalami ah lagu sameeyey sababta ka dambaysay falkan.
Madaxweynaha Ukraine, ayaa beeniyey inay ciidamadiisu ku lug-leeyihiin toogashada diyaaradda. “Ma dafirayno in diyaaradda la toogtay, balse waxaanu caddeynaynaa in aanay ciidamada Qalabka-sida ee Ukraine wax shaqo ah ku lahayn falkan,” ayuu yidhi Mr Poroshenko.
Dhinaca kale, Malleeshiyaadka gooni-goosatada ee Bariga Ukraine, ayaa beeniyey inay ku lug lahaayeen weerarka, iyada oo sheegay inay rumaysan yihiin in ciidamada Cirka ee Ukraine ay soo rideen diyaaradda.
Sarkaal ka tirsan malleeshiyaadka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin saddex maalmood oo xabbad-joojin ah si baadhitaan loogu sameeyo sababta keentay burburka diyaaradda.
Gantaalka la tuhunsan yahay in lagu riday diyaaradda, ayaa ah nooc lagu farsameeyey dal-weynihii la odhan jiray Midowga Soofeeyi, waxaana loogu talo-galay in Ciidamada Afan-tari ah lagaga difaaco weerarrada duqaynta diyaaradaha, Gantaalaha Kuruus-ka loo yaqaano iyo diyaaradaha Drones-ka.
Dhinaca kale, Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Ingiriiska Philib Hammond ayaa xaqiijiyey inay ku jiraan Muwaadiniin u dhalatay dalkaas, haseyeeshee ma shaacin tirada rasmiga ah eek u jirtay dadka ku geeriyooday.
Madaxweynaha Ruuska Vlamidir Putin oo khadka telefonka wada-hadal ku dhexmaray Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo uu u sheegay in diyaarad laga leeyahay Malaysia ku burburtay gudaha xuduudka Ukraine, sida uu shaaciyey Aqalka Kremlin ee looga taliyo Ruushka.
Labada hoggaamiye oo wada-hadalka khadka telefonka ku dhexmaray ahaa mid hore loogu sii qorsheeyey inay kaga wada-hadlaan arrimaha cajiran ee dalka Ukraine, ayaa mar kaliya macluumaadka la xidhiidha diyaaraddu soo shaac baxay.
Kooxaha gooni-goosadka ah ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Sanduuqa Madow ee Keydiya macluumaadka diyaaradda, waxaana la sheegay in u qaateen dhinaca magaalada Moscow. Dhinaca kale, dawladda Ukraine, ayaa dalkeeda ku marti-qaadday dawladda Malaysia inay u soo dirtay khubaro ka qayb-qaata baadhista shilka diyaaradda, balse Malaysia ayaa dalbatay in baadhitaan caalami ah oo madax-bannaan lagu sameeyo ciddii ka dambeysay burburka diyaaradda.
Dadka ku dhintay shilka diyaaradadeed, ayaa la rumaysan yahay inay dhalasho ahaan ka soo kala jeedaan 10 waddan, waxaana dadka ugu badan ku dhintay u dhasheen dalka Holland, kuwaas oo tiradoodu lagu sheegay inay gaadhayso 154 qof. 27 qof ayaa u dhashay dalka Australia. Waddamada Maraykanka iyo Malaysia waxa shilkan kaga gadhintay midkiiba 23 muwaadin, halka dalka Ingiriiska 10 qof kaga dhinteen. Sidoo kale 11 qof ayaa u dhashay dalka Indonesia halka Jarmalka ay kaga jireen 6 qof, Afar qof oo u dhashay Belgium, 3 u dhashay Filibiin iyo Hal qof oo u dhashay Canada.
Bishii July ee Sannadkan, ay ahayd markii la waayey diyaarad laga leeyahay dalka Malaysia oo siddey 300 qof, taas oo ka kacday garoonka diyaaraaha ee magaalada Kuala Lumpur. Dadka rakaabka ah ee diyaaraddan Saarnaa ayaa badankoodu ahaayeen muwaadiniin u dhashay dalka Shiinaha oo diyaaraddu ku sii jeedday. Baadi-doon iyo isku-deyo tiro-beelay oo waddamada Caalamku ka sameeyey Biyaha badweynta Hindiya oo la tuhunsan yahay inay ku burburtay, ayaa lagu guul-darraysay, ilaa immikana waxa ay noqotay masiibo saamayn ku yeelatay dunida oo hadal-haynteedu reebtay Taariikh lama-ilaawaan ah.
Dhacdooyinka Noocan ah ee hore
- April 20, 1978: Korean Airlines Flight 902, oo u kala duulaysay magaalooyinka Paris iyo Seoul oo ku safraysay hawada sare ee dal-weynihii la odhan jiray Midowga Soofiyeeti, ayaa ganay gantaal, haseyeeshee ma burburin waxase khasab noqotay in diyaaraddaas la fadhiisiyo. Laba ka mid ah 97 Qof oo diyaaradda Saarnaa ayaa dhintay.
- September 1, 1983: Korean Air Lines Flight 007 ayaa la toogasho lagu soo riday iyada oo dul-maraysa hawada sare ee dalweynihi Midowga Soofiyeen. 240 qof oo rakaab ah iyo 29 shaqaalihii diyaaradda ah ayaa ku dhintay.
July 3, 1988: diyaarad laga leeyahay dalka Iran oo sumaddeedu ahayd Flight 655 hawada sare lagu toogtay ka dib markii Markab uu leeyahay dalka Maraykanka oo ku sugnaa biyaha Gacanka Persia uu gantaal ku ganay, waxaana shilkaas ku dhintay 16 qof oo shaqaalihii diyaaradda ahaa iyo 274 Rakaab ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment