Booliiska Mareykanka oo Teleefoono badan helay oo ku saabsan Haweenaydan lugeynaysa ayaa ka codsaday cid alle cidii aragtaa ay u gar-gaaraan oo biyo iyo cabitaan siiyaan, iyagoo sheegay inaan lagu mashquulin sababta ay dharka madoow u xidhatay una lugaynayso badhtamaha Wadooyinka waa-weyn ee gobolo badan oo Mareykanka ka mid ah.Dadka qaar baa iska dhaa-dhiciyay inay tahay Malaa’ig, halka qaar ay leeyihiin,waxey dharkan madoow u xidhatay Ninkeedii baa ka dhintay, halka qaar ay ku doodayaan waa Shaydaamad habaawsan.
Haweenaydan ayaa hadda gaadhay Magaaladda Winchester ee Gobolka Virginia, waxaa la arkay Booliiska magaaladaas oo biyo iyo cabitaan siinaya.
Waxay doontaba ha noqotee Haweenaydan dharka madoow (Woman in Black) xitaa waxaa ku wareeray Warbaahinta Mareykanka oo lacago badan u balan-qaaday cidii warbixin-buuxda ka siisa Hawenaydan sababta ka dambaysa dharka madoow inay xidhato iyo magaceeda buuxda inay soo helaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment