Tuesday, August 19, 2014

DHEGAYSO:Madaxweyne Silaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Ergeyga Gaarka Ah Ee Xoghayahay Guud Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabiley ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya Mr Nicholas Kay oo ilaa shalay socdaal uu ku yimid Somaliland Ku joogay Hargeysa.
DSC_0124Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr Sacad Cali Shire iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane Cali Axmed Cali.

DSC_0152Kulankaasi ka dibna waxa halkaasi ka hadlay oo nuxurka kulankan saxaafada uga waramay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland iyo Ambassador Nickolas kay iyada oo saxaafaduna ay su’aalo halkaasi ku waydiiyeen.

HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/08/NUXURKA-KULANKA-MAANTA-MADAXWEYNUHU-LA-SHEEGAY-ERGAYGA-QARAMADA-MIDOOBAY-EE-SOMALILAND-IYO-SOMALIA.mp3"][/audio]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment