Monday, September 1, 2014

Yuhuudda Oo Ku Dhawaaqday Inay La wareegtay Dhul Cusub Oo Falastiin Lahayd

Jerusalem:Sep,01,2014(Himilo)-Yuhuudda ayaa maalintii shalay ku dhawaaqday inay si xoog ah kula wareegayso dhul Cabirkiisu dhan yahay 400 hectares, kaas oo ku yaalla duleedka magaalada Bethlehem.

israaDhulboobkan Isra’iil ku dhawaaqday ayaa ah kii ugu balaadhnaa oo lagula wareego dhulka Falastiin muddo 30 sano ah.

Deegaankan oo kamid ah dhulka yar ee Falastiiniyiinta u hadhay ee ku yaal Daanta Galbeed ee wabiga urdun (West Bank) ayey Isra’iil dooneysaa inay ka dhisato 1000 guri oo la siinayo Yuhuuda doonaya inay la wareegaan dhulka Falastiin.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii xabad joojin laga gaadhay dagaalkii Gaza oo ay ku dhinteen in ka badan 2 kun oo Falastiiniyiin ah.

Qaar kamid ah dalalka Beesha Caalamka ayaa cambaareeyey talaabada dhulkan lagula wareegayo, walow Isra’iil aanay inta badan isku mashquulin dhaliisha beesha Caalamka.

Dhamaan dadaaladii lagu doonayey in Isra’iil cunaqabteyn lagu saaro ayaan soo dhaafin Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, Maraykanka oo golahaasi kuleh awooda VITO ayaa mar walba hor joogsada qaraar walba oo ka dhan ah maamulka Isra’iil.

Dalka Maraykana oo ay awood ku leehiyiin maalqabeenada Yuhuuda ayaa mar walba ku dadaala difaacida Isra’iil, sidoo kale ururada Kirishtaanka ee xag jira ah oo awood kuleh xisbiga Jamhuuriga ayaa aaminsan hadii Yuhuuda la wareegto Isra’iil inay soo dadajin doonto dib usoo noqoshada Nabi Ciise cs.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment