Sunday, August 3, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Dalka Kusoo Guryo Noqday iyo Su’aalihii Saxaafadda Oo La Hor Istaagay

Hargeysa:Aug,03,2013(Himilo)-Caasimadda Somalilandd ee Hargeysa waxa Maanta kusoo Guryo Noqday Madaxweyne Axmed Maxamuud (siilaanyo) oo muddo safar gaaban ugu maqnaa Dalka Igiriiska.

r4Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey xubno ka mid ah Golaha wasiirada, hogaanka xisbiga Kulmiye,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Somaliland oo markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa warbixin kooban siiyey warbaahinta ayaa waxa uu ka waramay safarkii uu ku maqnaa, waxaanu tilmaamay inuu fasax nasasho ah ku soo qaatay dalka Ingiriiska.

 

Madaxweynaha Somaliland oo guud ahaanba laga hor istaagay inay warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland wax su,aal ah waydiiyaan ayaa si kooban uga hadlay safarkiisii waxaanu yidhi “Farxad weyn ayey ii tahay  inaan dalka ku soo laabto aniga oo mudo labaataneeyo cisho ah ka maqnaa, mudadaas aan maqnaana waxaan sii maray dalka Ethiopia  halkaas oo aanu dawladda Ethiopia isku aragnay  kana wada hadalnay y danaha labada dal, ka bacdina waxaan u gudbay dalka Ingiriiska   halkaas oo aan mudo fasax ah ku maqnaa bulshada Somaliland ee halkaas joogtana aan iyagana fursad u ehlo inaan qaybo badan  kala duwan aan la la kulmo oo aanu la ciidno, oo aanu kala hadalno danaha dalka, baahiyaha wixii ay igu sheeganayeena ay noo sheegeen  taageerada dalka iyo dadkana aanu ku guubaabinaynay hadlo wakhti, taageero weyn  iyo niyad wanaagsana dalka iyo dadka u muujinayey.” Ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu dalka kasii dhoofayey si haboonn uga jawaabay su’aalo ay saxaafadda madaxa bannaani weydiisay, balse maanta taas waa laga diiday saxafadda Madaxa Bannaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment