Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa wareegto uu shalay soo saaray ku wareega soo saaray Xushmaynta iyo qadarinta Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus u hayaan qaranka Somaliland.

Afarta Qodob Wasiirka Arrimaha Guduhu digreetadiisa ku soo saaray dhowrista xuquuqda madax-dhaqameedka dalka, ayaa kala ah:
1. In la Dhawro Sharafta iyo Karaamada Madaxdhaqameedku leeyahay.
2. In loo fududeeyo Gacanna lagu siiyo gudashada hawlaha ay umadda u hayaan ee nabadgalyada iyo Xallinta khilaafaadka.
3. In Caaqilka Jabiya Qodobada Sharciga ah, xadhigiisa loo soo maro wasaaradda Arimaha gudaha, islamarkaana lala soo socodsiiyo Guddoomiyaha Gobolka ay Arintaasi khusayso.
4. Inaan la xayiri Karin Mushaharka Caaqilka ama Madaxdhaqameedka haddii aanay jirin sabab Kalifaysa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md Cali Maxamed Warancadde, waxa wareegtadiisa ku faray badhasaabbada gobollada iyo laamaha amaanka ee dalka inay meel mariyaan isla markaana dhaqan-geliyaan qodobbada ku xusan wareegtada.
Wareegtada ka soo baxday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudha Somaliland, ayaa ku soo beegmaysa xilli uu raadkoodu sii qoyan yahay xubno ka mid ah madaxdhaqameedka gobolka Togdheer oo loo xidh-xidhay Shaqaaqo colaadeed oo ka taagan deegaanka Balliga Diiriye Guuleed oo Woqooyi kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment