Monday, August 4, 2014

Wiil Uu Dhalay Fannaan Hore Oo ay Toogasho ku Dileen Ilaallada Ra’isal wasaaraha Somalia

Muqdisho:Aug,04,2014(Himilo)-Ilaalada Gaarka ah ee Ra’isal wasaaraha Somalia, ayaa Habeenkii xalay toogasho ku dilay Wiil la sheegay inuu dhalay Fannaan hore oo soomaaliyeed.

bastooladWiilkan ayaa la sheegay inuu dhalay Fannaan lagu magacaabi jirey Xasan Caato oo caan ka ahaa deegaanka Banaadir, waxana la sheegay in lagu magacaabi jirey Mustafe Xasan caato.

Goobta Toogashadu ka dhacday, ayaa agagaarka Gurigii Ex-fiyoore ee Degmada wardhiigley, waxana la sheegayaa inuu wiilkaasi isticmaalay Maandooriye.

Sida ay lee yihiin dadka deeganka, wiilka la dilay ayaa laga shakiyay maadama uu ku sugnaa dhabarka dambe ee xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Dadka deegaanka ayaa saaka isugu soo baxay goobta uu ka dhacay dilka, waxaana dadku  ay leeyihiin ma jirto cid timid goobta uu ka dhacay dilka.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay markii bishii hore weerar lagu qaaday xarunta madaxtooyada waxaa aad loo adkeeyay xafiiska ra’iisal wasaaraha, waxaana la dhigay ciidamo fara badan.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment