
si isku mid ah u soo dhaweeyey natiijada warbixin guddigu ka soo saareen diiwaangelin tijaabo ah oo bishii lixaad ee sannadkan laga qabtay laba goobood oo ka mid ah gobollada Awdal iyo Gabiley, taas oo ay sheegeen in lagu guulaystay isla markaana wakhtigan lagu gudo-jiro diyaar-garowga sidii wakhtiga loo muddeeyey oo ku beegan bisha sagaalaad ee sannadkan dalka looga qaban lahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo kulanka ay la yeesheen Guddiga doorashooyinka ka dib si-wada-jir ah ula hadlay warbaahinta, ayaa Komishanka ku bogaadiyey hawsha ay qabteen, iyaga oo kalsooni ka muujiyey natiijada ka soo baxday diiwaangelinta tijaabada ah iyo natiijada ka soo baxday in lagu dabbaqi doono diiwaangelinta rasmiga ah ee codbixiyeyaasha isla markaana ay wax weyn ka tari doonto godaloolooyinka doorashooyinka ku yimaadda.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro ayaa sheegay in hawsha diyaar-garowga diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay si habsami leh u socoto, isla markaana ay hadhsan yihiin oo kaliya arrimo farsamo oo gunaanadkooda maanta loo ballansan yahay.
Isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Axsaabta Qaranka Komishanka ayaa u yeedhay si uu warbixin u siiyo arrimaha diiwaan-gelintu halkii uu marayeen. Waxa la socoteen in la qaaday tijaabo bishii lixaad, tijaabadaasna waa lagu guulaystay sida Komishanku warbixinta nagu siiyey boqolkiiba boqol ayaa lagu guulaystay. Hawsha intii ka hadhsanayd si diiwaan-gelintii loo bilaabo ayaa la geli doonaa oo ay ka mid tahay dhammeystirka wixii Xeerka ka qabyo ah, wixii kale ee farsamo ahna guddi ka socota axsaabta qaranka, ayaa berri (maanta) isu iman doona, si wixii farsamo ah ay isula eegaan. Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa oo ay na siiyeen komishanku in hawshii diiwaan-gelintu meel fiican marayso,” ayuu yidhi Md Cirro.
Faysal Cali Waraabe, guddoiomiyaha Xisbiga UCID, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in hawsha diyaar-garowga doorashooyinku ka dhammaystiran yihiin dhinaca Guddiga doorashooyinka balse ay wali ku hadhsan tahay dhinaca xukuumadda inay ka soo baxdo waajibaadka ka saaran hirgelinta doorashada.
“Waxa warbixin lanaga siinayey hawlkay marayso hawshii diiwaangelinta iyo tijaabadii la qaaday bishii Juun, markaa aad iyo aadbaanu ugu faraxsannahay dedaalkay muujiyeen komishanku farsamo ahaan wixii ay iyagu qaabilsanaayeen. Nidaamka diiwaangelinta ee la qaadaynaa boqolkiiba sagaashan saxbuu ahaa, waana mid lagu dhiirran karo oo lagu hawl-gali karo.
Waxay hawshu ku hadhay Xukuumadda ama ha ahaato Baarlamaanka, hawlahaasaa hadhsan, laakiin hawlihii xagga farsamada ahaa ee komishanka si fiicanbay u socdaan, waananu ku kalsoonahay sistamkaa iyo dedaalkay muujiyeen,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale, Jaamac Shabeel oo Xisbiga Kulmiye uga qayb-galay kulanka, ayaa muujiyey dareen la mid ah mawqifka guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Warbixin yididiilo leh oo rejo leh ayay na siiyeen komishanku, hawshay qabteenna waxaanu u aragnay inay meel wanaagsan marayso,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment