1. Ilmahaaga bar tawxiidka iyo in Illaahay keligii yahay muddan yahayna in keligii la caabudo.
2.Bar ilmahaaga in Illaahay inoo abuuray inaynu caabudno keligii.
3.Ilmahaaga mar walba joogto ha uga dhigin inaad Naarta uga sheekayso si aanu argagax u qaadin.
4.Ku waani inaad jeclaysiiso Alle swt, u sheeg inuu Alle ina quudiyo oo ina siiyo huga ama dharka.
5. Ilmahaaga u sheeg inaanu Alle caasiyin markuu cidla joogo waayo Illaahay wuu arkayaa meel kasta.
6.Markaad la hadlayso badi inaad soo hadal qaado magaca Alle sida Allaah iyo Bismilaah iyo Alxamdulilaah.
7.Ilmahaaga xasuusi markuu wax cunayo iyo markuu wax cabayo iyo markuu lebisanayo magaca Alle.
8. Ilmahaaga jeclaysii Xabiibkeenii scw uga sheekee taariikhdiisii iyo sifaadkiisii.
9. Jeclaysii ilamahaaga inuu badsado Saliga Rasuulkeena scw mar kasta.
10.Ilamahaaga ka dhaadhici qadarka iyo wixii Illaah kuu qoro inaanay ku seegayn.
11.Si fiican u bar ilmahaaga arkaanta islaamka ee shanta ah iyo arkaanta iimaanka ee lixda ah.
12.Ilamahaaga marmar su’aalo weydii diini ah si uu ugu xiiso oo kaaga jawaabo.
13.Marmar weydii ilmahaaga tawxiidku waa imisa qaybood? Maxaa la inoo abuuray iwm?
14.Ilamaahaga bar arkaanta islaamka ee shanta ah kuna celceli ilaa uu si fiican u fahmo.
15.Ilamahaaga ku tarbiyadee salaada sida uu ina amray xabiibkeenu scw.
16.Mar mar ilmahaaga ama inta badanba u kaxayso masaajidka.
17. Bar ilmahaaga edebta masaajidka loo galo iyo edebta looga soo baxo.
18.Bar ilmahaaga ixtiraamka uu muddan yahay masaajidku una sheeg inuu dhibta ka dhowro masaajidka.
19.Bar ilmahaagu intuu yaryahay inuu soomo si uu u ilaashado soonka markuu weynaado.
20.Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu qur’aanka xafido intuu karo iyo axaadiista iyo adkaarta.
21.Markasta oo ilmahaagu korodhsado xifdiga u sii abaalgud wax ka farxiya.
22.Ilmahaaga saacad kasta ha ku khasbin inuu wax xafido waayo wuu daalayaa oo karhayaa xifdiga.
23.Ogow carruurtaadu adigay kugu dayan hadaad cibaadada fududaysato iyaguna way fududaysan.
24.Ilmahaaga ku dhiiri geli sadaqada marmarka qaar bixi sadaqada iyagoo ku arkaya.
25.U dhiib carruurtaada sadaqada si ay iyagu u bixiyaan si ay marka ay waynaadaan u bixiyaan.
26.Haddaad rabto in ilmahaagu kuu sheego runta mar kasta ha baqdin gelin daa ha kuu sheego wuxuu ogyahay.
27. Runta sheeg adigu si ilmahaaguna u sheego runta beentana ka fogow si uu ilmahaaguna uga fogaado.
28.Mar mar u sharax fadliga ay leedahay runtu iyo daacadnimadu.
29.Imtixaan ka qaad ilmahaaga amaanadiisa adigoon dareensiin bal eeg inuu amaanada ilaashado.
30.Ilmahaaga bar samirka iyo dulqaadka sida soonka iyo inuu u dulqaato cidii ka gardaran.
31.Cadaalad u samee carruurtaada dhexdeeda oo qaarna wax ha siin qaarna ha qadin.
32.Ilmahaaga bar inuu sameeyo inuu bixiyo wax isaguba ubaahan yahay , waa calaamadaha wanaagsan ugana sheekee qisaska dadkii wanaagsanaa.
33.Marka uu sameeyo ilmahaagu wax fiican ku amaan una abaal gud, una sheeg wixii wanaagsan ee uu sameeyo in illaahay si fiican uga abaal marindoono.
34.Ilmahaaga haku ad-adkaan taasi waxay kelifaysaa inuu kuu sheego been dareemana fulaynimo iyo baqdin uu kaa qaado.
35.Jeclaysii ilmahaaga sifaadka kibir la’aanta tawaduca, debecsanaanta iyo faraxsanaanta.
36. Ka dhaadhici ilmahaaga in taqwadu tahay waxa lagu kala sareeyo, maaha waxa lagu kala sareeyaa maalka, qabiilka, iyo quruxda.
37.Ogeysii ilmahaaga in dulmiga uu xun yahay, kibirkuna uu haligo cidii samaysa, khiyaanaduna qofka halikto.
38.Bar ilmahaaga faraqa u dhexeeya taqwada iyo caasinimada iyo dulmiga iyo cadaalada iyo khayrka iyo sharka, geesinimada iyo fulaynimada, xishoodka iyo khajilaada.
39.Ku tababar ilmahaaga sikhinimada iyo deeqsinimada bar inuu bixiyo wixii uu hayo wax ka mida ama cilmi ha ahaato ama maal ha ahaatee.
40.Weligaa balan haka bixin, khaasatan balanka aad la gasho ilmahaaga, taasi waxay baraysaa ilmahaaga inuu ilaashado balanka aadna ugu adkaado balamaha.
41.Carruurtaada salaam, ugana caado dhig markaad u timaado Asalaamu calaykum waraxmatulaahi.
42.Iska jir inaad cawaradaada aad kashifto ilmahaaga hortiisa.
43.Jaarkaaga u samafal.
44.Carruurtaada bar jaarka xaqiisa iyo sida uu u waynyahay xaqiisu.
45.Labadaada waalid u samo fal carruurtaadana ka dhaadhici in loo sama falo waalidka.
46.Waalidkaa iyo qaraabadaada joogtee booqashadooda adigoo carruurtaadana wata.
47.Mar mar u qor ilmahaaga warqad aad kaga faaloonayso sifooyinka wanaagsan.
48.U sheeg ilmahaaga sifooyinka la caayey ama xunxun kana dhaadhici goor walba inuu ka fogaado.
49.U sheeg ilmahaaga inuu hubsado cida uu la saaxiibayo u sheeg saaxiibka wanaagsani inuu yahay mid amaanan ayna tahay inuu ka fogaado saaxiibka xun.
50.La fadhiiso marmar carruurtaada adigoo u akhrinaya sifaadkii Rasuulkeena scw iyo qisaskiisii marmar u dhiib iyaga hakuu akhriyeen adiguna si fiican u dhegayso, marmarna weydii qisooyinkaas waxay ka faa’iidaysteen.
51.Haku hor canaanan dadka kale ilmahaaga hana ku hor edbin. Ee meel gaar ah wax ugu sheeg.
52.Weligaa yaree canaanta ilmahaaga intaad karto nasiixadana u badi debecsan.
53.Maqsinka carruurtaadu joogto waydii ogolaansho inaad u gasho, taas waxay ka baran doonaan inay idan kuu waydiistaan markay soo gelayaan maqsinkooda.
54.Ha isku dayin ilmahaagu inuu waxaad u sheegto markiiba fahmo ku celceli oo u samir.
55.Haddaad raashin wadaagaysaan kor u dheh bismillaah si ay kuugu daydaan sidaasoo kale markaad dhamayso maqashii kelmada Alxamdulilaahi.
56.Yay noqon laabtaadu mid aad ku ururiso khaladaadka uu galo ilmahaagu is ilowsii hadiise aad marwalba sheegto khalad uu galay waqti hore waxaa gelaysa cuqdad.
57.Haddaad khaldanto uga cudur daaro ilmahaaga una sheeg inaad khaldantay.
58.Marmar ku dheh ilmahaaga waxaad tahay fariid fiican waad samayn kartaa inaad qur’aanka xafido ama xadiiska tafsiirkana aad barato, waad u qalantaa inaad noqoto caalim umada haga.
59.Marmar u samee hadyad khaas u ah carruurtaada.
60.Weligaa ilmahaaga hadalkiisa dhegayso oo u dhego raarici ha xaqirin hana yaraysan.
61.Bar ilmahaaga kelimaadka marxabaysiinta iyo soo dhawaynta sida baarakalaah iyo marxaba iyo soo dhawoow iyo sharaf ayaad muddan tahay.
62.Ka dhigo ilmahaaga saaxiibkaaga koowaad.
63.Waqti ku filan sii ilmahaaga si uu uga bogto ciyaarta uu xiiseeyo.
64.Carruurtaada ciyaarta jidhkooda faa’iidada u leh u ogolow.
65.Daa ilmahaagu marmar ha doorto ciyaarta.
66.Ilmahaaga bar dabaasha orodka iyo jidh dhiska.
67.U ogolow marmar ciyaaraha haku beratamo .
68.Ilamahaaga raashin isku miisaaman sii.
69.Ogow carruurtaadu waxay cunayaan tayo ahaan iyo tayoba.
70.Ilamahaaga ka wacyi geli inuu isku badiyo cuntada.
71.Ilmahaaga ha kala xisaabtamin khaladaadkiisa marka cuntada la cunayo iyo marka masjidka la joogo.
72.Carruurtaada ogow cuntada ay jeceshay oo kula dedaal inaad siiso.
73.Dhegayso ilmahaaga oo u dhego raarici hadalkiisa tixgelina.
74.Ilmahaaga ku tabobar inuu mashaakilkiisa xaliyo, caawi haddii uu xalin kari waayo.
75.Ku ixtiraam ilmahaaga markuu shaqo fiican qabto ugana mahad celi.
76.Ha dhaarin ilamahaaga haku kelifin inaad ku khasabto waxaanu samayn.
77.Cagajuglaynta iyo hanjabaada ka illaali ilmahaaga.
78.Ha dareensiin ilmahaaga inuu yahay doqon aan waxba garanayn oo waxna fahmin balse dhiiri geli.
79.Uga jawaab wixii uu ku waydiiyo ilmahaagu ha yaraysan.
80.Ugu jawaab ilmahaaga si cilmiyaysan oo qancinaysa su’aashiisa,
81.Ilamahaaga gacmaha ka dhunko mar mar laabtaadda ku qabo tus inaad jeceshahay.
82.Ilmahaaga la tasho marmar oo ku camal fal taladooda.
83.Dareensii ilmahaaga xoriyad oo qaraarada u daa qaarkood ha qaatee.
85.Waqtiyada fasaxyada gee meelaha lagu tartamo qur’aanka.
86. Waqtiyada fasaxyada tababarada iyo beretanka cilmiga ka qayb geli.
87.Ilmahaaga marmar u daa martida wax ha siiyo isagu sida inuu shaah u keeno iyo cunto.
88. Taasi waxay keenaysaa inuu ku dhiirado inuu marka uu waynaado dadka marti geliyo.
89.Ilmahaaga soo dhawee marka uu kuu soo galo adigoo dad la jooga.
90.Ilmahaaga ku dhiiri geli inuu ka qayb qaato caawinta agoonta iyo foqorada.
91.Bar ilmahaaga inuu shaqeeyo,ganacsiga iyo kadab xalaal ah.
92.Ilmahaaga dareensii baahida umadda kale qabto iyo xanuunada si uu u caawiyo.
93.Ilmahaaga haka dhigin mid aad hawlaha adduunyo ku baahiso u soo koob waxaad u dirayso.
94.Ilmahaagu marmar tus waxaad umadda u qabatay si uu kuugu daydo.
95.Arrimaha qaarkood u diro si uu kuugu adeego ilmahaagu,waa si uu u dareemo inaad ku kalsoontahay.
96.Ilmahaaga u daa ha doorto saaxiibka wanaagsan, adigu kula tali inuu la saaxiibo dad fiican marmar u door saaxiib wacan isagoon ku dareemin inaad ku khasbayso.
97.Muhiimad sii ilmahaaga sixadiisa
98.Waqtiga uu cuntada cunayo ha doorto isagu ha khasbin.
99.Daawooyin badan ha siin ilmahaaga oo aan loo qorin, sii inta dhakhtarku kula taliyey.
100.Ilmahaaga mar marka qaar ku akhri Qur’aanka iyo ducooyinka sugan jeclaysii isku dawaynta Qur’aanka iyo Ducooyinka Rasuulkeena scw.
101.Ilmahaaga uga caado dhig inuu goor hore seexdo goor horena tooso.
102.Ilmahaaga ka dhig inuu muhiimad siiyo nadaafada dharkiisa iyo jidhkiisa, ilkihiisa, afkiisa.
103.Ha sugin ilmahaaga markuu xanuunsado ilaa uu xanuunku soo ridayo ula degdeg dhakhtarka.
104.Ilmahaaga ka fogee dadka ay hayaan xanuunada la kala qaado khaasatan kuwa caloosha.
105.Ilmahaagu hadduu buko ha u sheegin in xanuunka hayaa khatar yahay.
106. U sheeg ilmahaaga in cida caafimaadka bixisaa tahay Alle swt,
107.Aqoonta ilmahaaga kor u qaad .
108.Mar marka qaarkood u qor maahmaahyo iyo hal xidhaale si uu uga jawaabo.
109.Mar marka qaar ilmahaaga ka dalbo inuu kuu soo qoro mawduuc uu xiisaynayo.
110.Isku day inaad akhrido wixii uu qoro ilmahaagu ugana mahad celi.
111. Ha isku deyin wixii ilmahaagu qoro inaad khaladaadkiisa ku canaanto balse u sax si asluub leh.
112.Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu wax akhriyo weliba qoraalada faa’iidada leh.
113.Daa ha doorto kuttubta qisaska ha akhriyo kuwa uu doono.
114.Mar marka qaar ilmahaaga la wadaag akhris wada akhriya.
115.Mar marka qaar ilamahaaga ha akhriyeen beretanka sida ciyaaraha wararkooda oo kale.
116.Ilmahaaga ku dhiiri geli sidii uu imitixaanka ugu sarayn lahaa galaaskiisa.
117.Wax kala qabo caqabadaha hor taagan inuu imtixaankiisa najaxo.
118.U sheeg ilmahaaga sida dadka u shaqaynaya loola dhaqmo nebigeenu scw weligii ma garaacin qof u shaqeeya.
119.Ilmahaaga khaladka uu galo ha ku garaacin markiiba balse digniin sii .
120.Ha ciqaabin ilmahaaga, haddaad ciqaabto ha ku talax tegin.
121.Ciqaabtu maaha uun inaad garaacdo, waa inaad u digto inaad canaanato iwm.
122.Haddii ilmahaaga aad ciqaabto ama ka cadhooto u sheeg sababta aad ugu cadhoonayso.
123.Ha isku tusin ilmahaaga mar kasta inaad jeceshay inaad ciqaabto, sidoo kale inaad cuqdad ka qabto.
124.Markaad cadhaysan tahay ilmahaaga ha garaacin, weliba ka illaali inaad wax ku dhufato iyadoo dadku ku arkayo.
125.Ilamahaaga weligaa wejiga waxba hakaga dhufan.
126.Haddaad tidhaaho kuma garaacayo ilmahaaga, haka bixin balankaas waayo kuma aamini doono mar kale.
127.U sheeg ilmahaaga waxaad ku canaanayso inuu yahay dantiisa ee aanay ahayn dantaada.
128.Garaacistu waa eedaab maaha ciqaab ku baraaruji inaad edebtiisa jeceshahay.
129.Ilmahaaga u ducee isagoo kaa maqan iyo isagoo kula joogo labadaba.
130.Ilmahaaga bar xaqqa waalidka adigoo siinaya qoraalada ka hadlaya waalidka in loo samo falo.
131. Waqti kasta ilmahaaga khayrka la jeclow.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment