Maanso cusub oo ku saabsan qiimaha siyaasiga oo la yidhaa siyaasigu qadarin ma leh oo uu curiyay Cabdinaasir Ismaaciil Nuur ayaa waxay ku bilaabmaysaa:-
Nin qabyaalad laasimay
Qudhun waligii kama koro
Qurux ma leh warkiisu
Qaasaaruu ku sugan yahay
Ficiladu qaribanaa
Qalafsanaa amuuruhu
Maxaa biidhi qaatiyo
Garaadlaawe quusiyo
Isku tagay qaswadayaal
Qalafsanaa hamuuntoodu
Qaladkoodu badanaa
Qulub iyo wareer iyo
Qalalaase mooyee
Qaabsan uma shaqeeyaan
Siyaasigu qadarin ma leh
Ma qiimeeyo aadmiga
Qorshihiisa mooyee
Qaran uma adeegoo
Maba laha qaneecaad
Sir uu kugu qaldaayiyo
Qawlkiisu waa been
Dadka kala qoqobid iyo
Qolo qoliyo reer iyo
Qabiil loo saftiyo
Wax qasaari mooyee
Maba laha qaneecaad
Siyaasigu qalooc iyo
Qalad kama fogaadoo
Qoom wada sharaxanbaa
Qariboo dalkeenii
Qiiyaamiyo I doortaay
Ku qadhaabanaayoo
Qardhac reebi maayaan
Dhalintii qurxoonayd
Qudhooday galaafteen
Inay kaba qayaadaan
Ka qulqulaan dhamaantood
Tahriib uga qaxaanbay
Iyaguna qorshaysteen
Nin qamuunyo haysoo
Qarash raadinaayoo
Qurbahaa ka yimidoo
Qasnad buuxso mooyee
Qami kale lahayn iyo
Qaar aan wax tarinbaa
Qasabado samaystoo
Hantidii qudhqudhiyoo
Qaylada baxaysee
Ka qabtaay la leeyahay
Saxaafadihii qoraybaa
Qol madaw la galiyoo
Qasab lagu taxaaboo
Qidhim dhaha la leeyahay
Dadwaynihii qaracanyoo
Qoomamee codbixintii
Waanay kugu qasaareen
Adiguna xil qarawayn
Qaadayoo is maad odhan
Dalka nimaan waxba u qaban iyo
Qas abuur ha noqonine
Qafal xumadda daayoo
Waddankaagu qayrkii iyo
Qaaradaha ha dhaafee
U daryeel qumaatiye
Qawlaystayaaloow
Isma qariyo boobkuye
Imikaad qashifanteen
Qoraaga buugga indhaa siyaasaddaa igu jeeda
Email drnasir908@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment