Friday, January 9, 2015

“Anigu ma arkayo istaraatiijiyad somaliland leedahay oo ku saabsan siyaasadda dibadda oo meel la dhigtay,” Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

Berbera:Jan,09,2015(Himilo)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahanka reer Somaliland oo wax ka dhiga Jaamacado ku yaalla Carriga Maraykanka, ayaa ka hadlay Siyaasadda Arrimaha Dibadda, waxana uu su’aal geliyey Istaraatiijiyada dalku ku raadinayo Aqoonsiga uu baahida weyn u qabo.

ina samatarProfessor-ka oo khudbad ku saabsan siyaasadda u jeedinayey Ardayda Culuumta Badda ee Jaamacadda Berbera, ayaa tilmaamay in siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland tahay mid wax badani ka dhiman yihiin, isla-markaana u baahan in loo dejiyo hannaan keeni kara natiijo lagu qanci karo.

Waxa uu Professor-ku tilmaamay inaanay Somaliland wali dejisan Istaraatiijiyad soo dhaweyn karta Aqoonsiga ay u jeellan tahay inkastoo ay muddo badan baadigoob ugu jirtey,

“Ma aha uun hannala aqoonsado oo taasi waa iska hadal gaaban uun, adduunyada sideynu isu dhegalno iyo garashada in lagu aqoonsado waa halka ugu horraysa, anigan waxa ay ila tahay somaliland Adduunyada kale sida ay isku dhexgelayaan waxay u baahan tahay afar amuurood. Afartaasna anigu ma arkayo meel inta la shubay la dhigay dabeedna la socodsiinayo 23-kaas sanadood, waxeenuna waa dadku hasoo baxaan oo hana inala aqoonsado.” Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

Waxa uu sheegay in baahi badan loo qabo in dalka loo dejiyo hannaan siyaasadeed oo lagu gaadhi karo Aqoonsi, waxana uu yidhi,

“anigu ma arkayo istaraatiijiyad somaliland ku saabsan siyaasadda dibadda oo meel la dhigtay, haddaad haysaanna idinkaa ii warrami.”

Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa khibrad badan u leh arrimaha Siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, waxana la bidaa inuu kamid yahay Khubarada dalkan u dhalatay ee lagu tuhmayo aqoonta siyaasadda caalamka iyo hannaanka dalalka loola macaamilo.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment