Labadan nin oo walaalo ah ayaa la sheegay inay ku soo tababarteen dalka Yemen, waxaana ay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Algeria, Said Kouachi iyo Cherif Kouachi ayaa qaaday weerarkii ugu xumaa Faransiiska ka dhaca muddo kontan sano ah, iyagoo dilay ilaa 12 ruux.Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee Faransiiska ayaa baadhitaano adag ku sameynayay guryaha ku yaala bariga Paris, baabuurta isticmaasha wadooyinka, waxaana la xidhay jidad badan oo aad muhiim u ah.
Labada nin ayaa la sheegay in shalay ay dhac ka geysteen xarun shidaal, iyagoo ka qaatay raashin iyo shidaal, waxaana ay ka baxsadeen goobta, goob joogayaal ayaa sheegay inay nimankan aad u hubeysnaayeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa sheegay in la xoojiyay ammaanka Faransiiska, iyadoo ilaa 80 kun oo ciidamo iyo diyaarado helicoptero ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka magaalada Paris iyo deegaanada ku dhow dhow.
Habeenkii labaad ayaa waxaa isu soo bax loogu baroor diiqayay dadkii ku dhintay weerarkaas waxaa uu ka dhacay magaalada Paris, halkaasoo ay dadkii isugu soo baxay kula hadashay duqa Magaalada Paris oo dadka ugu baaqday Midnimo.
Maanta oo jimco ah ayaa inta badan imaamyada masaajidada ku yaalla dalka Faransiisku waxa ay si aad ah uga hadleen weerarkaas, waxana ay dadka muslimiinta ah uga digeen inay arrintaas ka taxadiraan.
Caalamka intiisa kale ayaa laga cambaareeyay, Madaxweynaha Mareykanka ayaa tagay Safaarada Faransiiska ee magaalada Washington, si uu u saxiixo buuga tacsida ah dadkii ku dhintay weerarkii Xarunta Wargeyska ee Charli Hebdo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment