Sunday, January 4, 2015

Aqoonso Masuuliyada Aad Shacabka U Hayso -W/Q: Hamse Baashe Muhumed

Dawladnimada iyo calanku waa faanka ay ummadi ku faanto, misna ay dheeryihiin kuwa aan dawlad iyo calan toona haysan, sidoo kale waa aragti waxqabad oo meesha dawlad dhisan, calan ka dul babanaayo, oo qaab-dhismeed horumar leh lugu garto. Xilku waa masuuliyad saaran qofkasta oo leh caqli dhamaystiran, taasna waxa inoo sheegay Nabi muxamed NNKH, “dhamaantiin waxaad tihiin masuul, oo waxaad masuul ka tihiin wixii la idin raaciyey” waxaan ka faa’iidaysanaynaa in masuuliyada ina saaran haddii aanu nahay carruurtii nabi Aadam, misana aanay jirin wakhti qudha oo aanu firaaqo haysano oo aanu ka nasanayno masuuliyadii ina saarnayd.
Taa markaan ka imaado oo aan u soo daadago ujeedada maqaalkan “Xilka iyo Xaqiiqada” ah ee aan kaga hadlayo Dawladii aan dooranay iyo waxqabadkeeda. Markii ururada iyo xisbiyadu tartamayeen misana ay ololaha,buuqa,durbaanka,hoonka baabuurta iyo lulida calamo kala duwan ay isku qasayeen; ujeedadoodu waxa ay ahayd in aanu ka doorano oo aanu ka dhex xulano midka qaadi kara masuuliyadaas culus, misna u taagan in uu wax u qabto midka beerta falaya,kalluunka shabaga u dhigaya,midka buuga iyo qalinka ku dhex haysta goobaha waxbarshada iyo hooyooyinka aan gurigooda meel u dhaafin. Laakiin ogow oo masuuliyada la saaray maaha mid keligii lugu sii daayey ee waliba waxaanu la horjoognaa, oo u ololaynaa in aanu doorano gole sharci dajin oo sameeya shuruuc waddanka lugu maamulo.

Haddaba sacab-tunkii iyo mushxaradii doorashadu wadatay, waxay ku dambaysaa in aanu Madaxweyne iyo ku Xigeen doorano,Gole sharci dajin doorano,Gole degaan doorano; isla markaan in madaxweynhu uu magacaabo wasiiro isga matala oo uu u qaybiyey wasaaradaha kala duwan ee ka jira dalka.
Marka laga tago Xafiiska Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa, oo ah iyagu xafiisyada ugu sareeya waddanka (official office), waxa jira xafiisyo ay leeyihiin xubnaha Wasiirada,Wasiir xigeenada iyo Agaasimayaasha wasaaraduhu. In kasta oo somalidu ku maahmaado “Nin Xil qaaday eed qaad” oo xilku uu leeyahay hadalhayn,kutirkuteen,buunbuunin iyo been la isla dhexmaro, Hadana ujeedadu waxay tahay Xukuumadii xilka inoo qaaday ee inoogu dhaartay “magaca illaahay” in xilkii iyo masuuliyadii ay inoo hayeen aad moodo in qayb aad u weyn oo ah nidaamka maamulku uu ka dhiman yahay misna ay jirto tabasho xaga shacabkii soo doortay, kama hadlaayo waxqabadka oo waxqabadku dawladu hadda wuu wanaagsan yahay oo amaan uun baa lawadaa, laakiin markaan ka hadalno qof-qof iyo shaqsi –shaqsi waxa jirta dhaliil loo jeedinaayo, qofka muwaadinka ah ee ay hawli ka gasho wasaarad ka mid ah wasaaradah dalkeena waxa la hordhigay laba askari oo hubaysan oo amar ku bixinaaya in qofkaasi muwaadinka miskiinka ahi aanu hawshii uu u socoday aanay usuurto gelin, iskadaa wasiir ama agaasime uu la hadlo oo uu u gudbiyo ujeedada uu ugu yimid ee waxaaba jira ama ka horeeya oo ah “Fadlan uma geli kartid ee sug” sugistaasi maaha mid run ah ee waa mid quus-goyn ah muddo markuu sugana la odhanaayo Wasiirkii ama Agaasimihii wuu baxay ama shir buu galay. Taasoo muwaadinka ku qaadanaysa inuu kusoo kalaho oo soo noqnoqdo wakhtiyo badan, una soo dayaco hawlihiisii maalmeed ee uu ka shaqayn lahaa.
Haddaba mudane xil haye Ma ogtahay in ujeedada aad kursiga ugu fadhidaa ay tahay wax uqabashada shacabka iyo muwaadiniinta ku doortay misna laguu xilsaaray in aad baahiyahooda intay kuula yimadaan aad la xaliso, Ma ogtahay muwaadinkan aad askariga albaabka u istaajisay ee kolba saacad iyo wakhti khaldan la balaminaayo inuu yahay kii shalay sacabka iyo mushxarada kugu taageerayey, Ma Ogtahay in masuuliyadan aad qaaday beri lugu weydiin doono (nolosha dambe).
Talo:
Haddii xilka ay inoo hayaan madaxdeenu iyo xaqiiqada ka jirta xarumaha ay inaga maamulaan uu sidaas yahay, si loo kala badbaado oo shacabka iyo muwaadiniinta masaakiinta ahi aanay u cabban, misna madaxdeenu aanay iyaga naf ahaantoodu is odhan waxa idin saaran mucaaridad; waa in la sameeyo jadwal (schedule) kaas oo ah wakhtiga uu wasiirku ama agaasimuhu qaabilo bulshada u baahan ee uu hawlahooda faraha ku hayo, isla markaana toddobaadkii la sameeyo laba maalmood, si cabashadu u yaraato wax sheegu u yaraado, tuhunka iyo shakigu u yaraado. Oo la isku calool fayoobaado misna laga wada taliyo horumarka iyo maamul wanaaga wax wada qabsi.
MAHADSANID.

W/Q: Hamse Baashe Muhumed
E-mail:Xamse18@gmail.com
+0633449101
Hargeisa Somaliland
Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment