Sunday, January 4, 2015

Maamulaha Madaarka Cigaal oo shaaciyey Hanaan Cusub Oo Ku Saabsan Qaabka Cashuuraha looga qaado Dadka Madaarka Adeegsada

Hargeysa (Himilo )-Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Air-port Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa shaaciyey is badal balaadhan oo lagu sameeyey nidaamka cashuur qabashada ee Madaarka Cigaal oo sanadkan cusub wax ka badal lagu sameeyey.

[gallery ids="13393,13392,13390"]

Maamule Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in nidaamkani uu toosiyey balse aan la kordhin wax cashuur ah waxaanu arrimahan kaga hadlay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa madaarka waxaanu yidhi “ maanta waxaan halkan idiinku yeedhay inaan dadweynaha reer Somaliland iyo macaamiisha adeegsada madaarka ee ka soo daga ama ka dhoofa inaan ku war galiyo in nidaamkii cashuur qaadiseed ee madaarka wax laga badalay, oo aanu dib u habayn ku samaynay ka Xukuumad ahaan, waa cashuurihii ay qaadi jirtay Wasaaradda maaliyada, iyo lacagtii ay qaadi jirtay wasaaradda duulistu ee adeega madaarka, lacagahaas sharcigu dhigayo qaadistooda ayaanu nidaamkii loo qaadi jiray wax ka badal ku samaynay, iyaga oo aan wax kordhis ah lagu samayn. Arrintani waxay ka timid codsiga iyo tallooyinka dadka madaarka adeegsada, iyo anaga oo fulinayna siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee horumarinta madaaradda Somaliland.”
“ Isbadalka aanu samaynay ee bishan koowaad hirgalay, waxa Digreeto uu fulinteeda uu ku amrayo ka soo saaray Madaxweynaha Somaliland, iyo Wasiirka maaliyada, waxaana la faray dhamaan hay’addaha ay khusayso inay nidaamka cusub ee wasaaradda duulistu soo dajisay la raaco. Haddii aan sharaxo nidaamka cusub ee aanu bilownay, waxa weeye markii hore qofku marka uu soo dago laga qaadi jiray lacag cashuur ah, marka uu dhoofayana sidoo kale, qaabkaasi dadku in badan ayey dhibsadeen, dunida mar kaliya ayaa cashuur laga qaadaa qofku marka uu dal galayo, dadkuna taas ayey noo soo jeediyeen, markaas Xukuumadduna waxay go’aansatay in la mideeyo cashuurahaas, oo marka uu soo dago hal mar laga qaado cashuurtii Wasaaradda maaliyadu qaban jirtay, oo laysku daray, oo ah Lixdan Dollar (60$), halka markii hore marka uu soo dago Soddon doolar (30$) laga qaadi jiray, marka uu dhoofayana Soddon Doolar (30$) oo kale laga qaadi jiray, imika hal mar ayaa laga qaadayaa, lacagtan oo laga qaadayo dadka sita baasaaboorada ajinabiga ah, waxa la yidhaa (Visa Entry), haday doonaan Somaliland-ba ha u dhashaane, lacagtaasi waa kharasha dal ku galka loo yaqaan, sidoo kalena waxaan xusayaa in Dadka sita baasaboorka Somaliland in 10$ laga qaadayo.”
Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sidoo kalena xusay “ Waxa kale oo jiray lacagayoow kale, oo sharciya iyaguna oo ay Wasaaradda duulistu qaadi jirtay, oo ah Saddex doolar oo adeeg ah oo qofka marka uu dhoofayo iyo marka uu soo dagayo laga qaadi jiray iyo toban dollar oo amaanka ah, oo uu jideeyey xeerkii Baarlamaanku ansixiyey ee Tacaariifta Madaaradda dalka, labadaas lacagayoowna waanu midaynay, waxaanu samaynay in lagu qaado nidaamka Tigidhada, oo lacagtaas waxa qabanaya shirkadaha diyaarahada, qofkuna marka uu tigidhka soo goosanayo ayaa laga qaadayaa, taasina waxay meesha ka saaraysaa in qofka dhoofayaa uu lacag u soo qaato madaarka sidii hore u dhici jirtay, wax lacag ah oo qofka dhoofaya laga doonayaa ma jirto, sida nidaamka caalamka ah ayuu duulimaadkiisa ugu gudbayaa.”
Maamulaha madaarku waxa uu intaasi ku daray “ In dadkii dalka yimid wixii ka horeeyey 2015-ka, ee lacagtaasi laga doonayey aan laga qaadin ee Soddonka Dollar uun bixiyey, ee madaarka ka soo dagay sanadkii tagay ee 2014-ka, iyagana waxaanu u samaynay, laba billood oo wakhtiga kala guurka ah, waxaana ay Wasaaradda maaliyadu muddadaas ka sii shaqayn doontaa Terminalka laga dhoofo si dadkaas looga qaado cashuurtaas ku dhiman, sidoo kalena waxa ay shirkadaha diyaaraduhu wakhtigaasi dadkii aan tigidhadooda lagu darin lacagta adeega ah in laga qaado wakhtigaas, qorshahayaguna waxa weeye in Insha Allah, bisha March ee sanadkan aan wax lacag ah lagu qaban qaybta dhoofayaasha ee madaarka.”
Gabagabadii Maamuluhu wuxuu ka waramay ujeedada ay ka leeyihiin is badaladani waxaanu yidhi “ Nidaamkaasi waa mid laysla qaatay, waxaanan jecelahay inaan cadeeyo mar kale in aan habayaraatee wax kordhin ah lagu samayn lacagahaas. Dadka waxaanu u sheegaynayaa inay ku soo tallo galaan nidaamkaas cusub, hadda wixii ka dambeeyana sidaas ayaa loo wadayaa, arrimahan waxaanu ugu dan leenahay inaanu sare ugu qaadno tayada iyo adeega madaarka Cigaal uu bixiyo, sidoo kalena in aanu madaarka kala mid dhigno garoonada kale ee caalamka.” Ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment