Baadhis ay sameeyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka hawl-gasha Muqdisho, ayaa lagu ogaaday in Afar Fadhiisin oo ciidamada AMISOM ku leeyahiin Muqdisho laga bilaabay ganacsiga Korontada oo ay u tallaaleen xaafado ku yaala Muqdisho isla markaana ay xaafadaha ka qaadaan ay bil walba inta u dhaxaysa 10 ilaa 30 dollar.Xarumaha ay AMISOM ee ku leeyihiin Muqdisho ee Stadio Mugadisho, Xalane, Hoyga Safaaraddii hore Maraykanka iyo Hotel Curuba, ayaa la sheegay inay ka mid yihiin fadhiisimada ciidamada AMISOM ee ay sida sharci-darrada ah uga ganacsadaan korontada.
Faahfaahin dheeraad ah oo warbaahinta Muqdisho qaarkeeda isku dayeen inay ku weydiiyaan madaxda AMISOM ayaan u suurto-galin. Dhinaca kale, Dawlada Hoose ee Muqdisho oo wax laga weydiiyey ayaa sheegay inay baadhi doonaan eedahaa.
Fadhiisimaha AMISOM ee Muqdisho waxa cusbitaallo xilliyada qaarkood adeegyo caafimaad oo bilaash loogu sameeyo Shacabka xilliyada ay dagaallada iyo qaraxyadu ka dhacaan magaaladaas.
Hawl-gallada ay AMISOM u joogto Soomaaliya oo ay lacago badan ku bixiyaan waddamada Midowga Yurub, ayaa ujeeddu tahay sidii ay dawladda taagta daran ee Soomaaliya uga difaaci lahayeen xoogagga Al-Shabaab iyo sidoo kale inay ka qayb-qaateen taakuleyn shacabka tabaalaysan ee dalkaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment