Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shir-jaraa’id oo uu Jimcihii ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu kaga hadlay xiisad uu gobolka Awdal ka dhaliyey hadal ka soo yeedhay Suldaan Abubakar Wabar oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolkaas, kaas oo ku dhawaaqay inaanay gobollada Awdal iyo Selal ka sii mid ahaan doonin Somaliland isla markaana uu ka soo horjeedo midnimada iyo dawladnimada Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu ku tilmaamay tallaabo Qaran-dumisnimo ah oo Suldaanku ku kacay, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaado doono, ciidamada Ammaankuna ay fasax u haystaan inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo isku-dayda inay waxyeello u geysato midnimada dalka.
Xildhibaan Ayaanle oo daba-socday hadalka Madaxweynaha, waxa uu ku dooday in madaxweynaha looga fadhiyey tallaabo ficil ku lammaan yahay oo uu ka geysto arrintaas, balse aan looga fadhiyin inuu hadal kaga jawaabo.“Gobolka Awdal uu madaxweynuhu kaga hadlay, waxaan is leeyahay madaxweyaha jawaabtii laga sugayey hadal ma ahayn, laakiin tallaabaa laga sugayey si dadku u degaan, waana kii ka garaabay cabashooyinkii jirey. Xataa kaa ka duday ee uu sheegayey waxay ahayd inuu la xidhiidho ee may ahayn inuu hadallo iskaga yidhaahdo, siduu doonaba ha u dhigee ka cadhoodayna isagaa u madaxwyene ah,” Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Ayaanle oo shalay la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Madaxweynaha iyo umaddii hadashay waynu isku waafaqsanahay, madaxweynaha masuuliyaddu waxay ka saaran tahay wax kasta oo khilaaf keenaya, cabashadanina waxay u timi isagoo lix bilood joogay, maantana lixdii ugu dambeeyye ayuu ku jiraa, xataa waxa uu xaq u leeyahay inuu yidhaahdo xaq uma lihidin waxa maqan,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-yaasin.
Xildhibaaka oo la weydiiyey cabashada reer Awdal tirsanayaan iyo cidda ay ka tirsanayaan, waxa uu ku jawaabay, “Cidda go’aanka laga sugaya ee laga cabanayaa wasiir ma ahee, madaxweynahay leeyihiin sad-bursiinyaan arkaynaaye xaqayaga nasii,” ayuu yidhi Xildhibaanku isaga oo intaas ku daray in aanay jirin cid reer Awdal uga lexejecelo Somaliland. “Hadday ogtahay (Xukuumaddu) inuu Suldaan Wabar guutooyin urursaday oo uu soo wado, maxaa dawladaha jaarka looga been abuurayaa, reer Awdal hadday Somaliland ka xiisoodaan oo ay Xamar u xiisoodaan talaanu isugu imanaynaa, tanna in nalooga tago mooyaane cidna uga Tegi mayno,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment