“Arrinkan Niman qurbejoog ah ayaa iska wata, Qurbejooguna Qabiil kasta oo Soomaaliyeed dhibaatay ku hayaan,inta hunguriga xun leh ee meel kasta sidaas xun wax u raadinaysaana waa Qurbejooga ama….”
Hargeysa, 06 Jan, 2015 (Himilo)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka tirsan Madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu go’aan cabbudhin ah ku kaga jawaabo xaaladda ka taagan gobolka Awdal iyo xiisadda uu Suldaan Abubakar Wabar ka abuuray gobolkaas, waxaanu soo jeediyey in taas beddelkeeda wax laga qabto shaqo la’aanta dhalinyarada ee jirta.
Boqor Buur-madow waxa uu ku dooday in hadimooyinka dalka ka jira ay horseed u yihiin niman qurbejoog ah oo ku qawlaysta magaca beelaha ay ka dhasheen, Suldaan Wabar-na uu taageero ka helo qurbejooggaas, isla markaana fekerkiisu isaga ku kooban yahay oo aanay ku garab taagnayn Shacabka Reer Awdal.“Arrinkan Niman qurbejoog ah ayaa iska wata, Qurbejooguna Qabiil kasta oo Soomaaliyeed dhibaatay ku hayaan,inta hunguriga xun leh ee meel kasta sidaas xun wax u raadinaysaana waa Qurbejooga ama kuwa reerahayaga ha ahaadeen ama kuwa reeraha kale ha ahaadeena Qurbejooga ayaa dalka dhibaato ku haya.” ayuu yidhi Boqor Buur-madow oo khadka telefonka ugu warramay shabakada SLtoday isaga oo ku sugan magaalada Dubai.
Buur-madow waxa uu Madaxweynaha u soo jeediyay in la dhegaysto tabashada Awdal, “Anigu waxaan leeyahay Arrinta Awdal, Salaadiinta Maskaxda ku talinaysa ee Nabada ku talinaysa ee garanaysa dagaalku wuxuu yahay iyo dhibaatadiisa garanaysa waa in Madaxweynuhu la fadhiisto. Xildhibaan Axmed-yaasiin oo kale waa Nin Qiimo leh oo nabada aad uga soo shaqeeyay oo Ixtiraam badan leh, Cabatinkiisa oo kale in la dhegaysto waa gar,” ayuu yidhi Boqor Cismaan.
Buur-madow waxa uu uga digay Madaxweyne Siilaanyo inuu wakhtigan tallaabo ka qaado tabashada reer Awdal, waxaanu yidhi, “Waxaan qabaa in Xukumaddu dadka wixii wax tabanaya wax u qabato oo Dhalinyarada iyo ardayda shaqo loo abuuro oo Saamiga Beelaha la isku dheeli tiro laakiin, ma noqonayso In Hanjabaad ay wax ku fuliso.
Immika dadka leh Go’aan Madaxweynuhu ha soo saaro, Xaaladdan oo kale waxaan qabaa inaanu go’aan soo saari Karin, hadduu soo saaro waxa weeye Go’aan fulaynimo ah oo Cid waliba ku baranayso oo cid walba ku dhiiri galinaysa inuu Suldaan waliba baxo oo Suldaan waliba Awood doono.
Haddii cid wax laga dhegaysanayo Salaadiinta reer Awdal ee nabada ka talinaysa hala dhegaysto oo kuwaas wax ha lala wado laakiin, waxaan qabaa Ninkani (Suldaan Wabar) Nin Waxba qaban kara maaha, Siilaanyo iyo Xukumaddiisa waxaa laga rabaa inay Somaliland isku hayaan, inay adayg iyo raganimo isticmaalaan ama xilka iskaga degaan laakiin haddii ay dad hanjabaad wax ku qabanaya noqdaan taariikhdoodu way dhimanaysaa Somaliland-na iskuma hayn karaan,” ayuu yidhi Boqor Buur-madow, isaga oo intaas ku daray inaanay xukuumaddiisu dhegaysan hadal Suldaan Wabar oo uu ku sheegay mid aan taageero ka haysan shacabka reer Awdal.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment