Hargeysa, 06 Jan, 2015 (Himilo)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay ku meel-mariyey Xeerka Ilaalinta Dhul-daaqsimeedka iyo Duurjoogta oo muddo dhowr bilood ah horyaallay Golaha oo maalmihii u dambeeyey fadhiyadiisu u qaboomi waayeen kooram la’aan.
Fadhiga shalay oo uu shir-gudoominayay ku-xigeenka 1aad ee Golaha Baashe Maxamed Faarax isla markaana ay ka soo xaadireen 47 xildhibaan oo ka mid ah 80-ka Mudane ee golayaashi ka kooban yahay, ayaa mudaneyaashu cod gacan-taag ah ugu qaadeen xeerkan oo wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga u soo gudbisay, waxaana meel-marintiisa ogolaaday 42 mudane, Saddex Mudane way ka soo horjeesteen, hal xildhibaanna wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna ma codayn sida caadiga ah, sidaas ayaanu shir-guddoonku ku shaaciyey in xeerkaasi uu ansaxay.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka dareen-celisay meelmarinta Xeerka oo ay muddo ka dhur-sugayeen, ayaa ku tilmaantay guul iyo hiil u soo hoyday ilaalinta Deegaanka. “Madaxweynuhu digreeto ayuu soo saaray uu noogu kaabayo sharcigan, Somaliland deegaankeediina maanta uun buu helay hiil weyn.Xeerkan ayaa muhiimad gaar ah u yeelan doona isla markaana wax weyn ka tari doona xatooyada iyo ganacsiga sharci-darrada ah ee Duur-joogta. Waxa kale oo xeerkani muhiimad gaar ah u yeelan doona sidii look ala saari lahaa Dhul-beereedka iyo dhul-daaqsimeedka oo khilaafyo soo noq-noqday ka dhex-abuura dadka Xoolo-dhaqatada ah, beeralayda iyo Xukuumadda lafteeda.
Si kastaba ha ahaatee, ku-camal-falka xeerkan oo daawo u noqon karo dhibaatada ka taagnayd ilaalinta deegaanka iyo Duurjoogta, ayaa dabbaqaaddiisu ku xidhan tahay hadba sida ay masuuliyiinta wasaaraddaasi isaga xil-saaraan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment