Agaasimaha Waaxda dhulbixinta Maamulka Gobolka Hiiraan Xuseen Maxamed Fiidoow oo la hadlay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay sharcidarada ciidamada Amisom ee Beladweyne jooga ay ku dhaqmayaan, isla markaana iyagoon soo ogeysiinin maamulka arintaasi ku shaqada leh ay shirkado gaar ah siiyaan dhul ay leeyihiin dad shacab ah.“ Waxaa jira dad sharci daro ku dhaqmaya, waxay ka jirtaa dhanka ciidamada Amisom, niman shirkado ah iyo niman Amisom ah ayaa waxay ku heshiiyeen qandaraasyo ay Xamar kasoo qaateen iyaga oo aan nasoo ogeysiin, kuna shaqeysta dad Soomaali ahna u adeegsada xerada Amisom dhexdeeda, saraakiisha Amisom iyo niman Soomaali ah ayaa ku lug leh arintaasi, anagana nalooma soo sheegin”Ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda dhulbixinta Magaalada Beladweyne.
Wuxuuna hadalkiisa raaciyey “Dhawaan dacwadooda ayaan soo ogeynaa, waxaan u sheegaynaa inay arintaasi khalad tahay, hanti boob tahay, laguna dhacayo dalka hantidiisa, dad shaqsiyaad ahna ay kala macaamileen, arintaan ilaa madaxda sare Muqdisho ayaan gaadhsiineynaa, anagaa ka mas’uul ah, maamul ayaa Gobalka ka dhisan”
Dhinaca AMISOM, Majirto wax jawaab ah oo eedaha loojeediyey ka bixiyeen. Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Beladweyne ayaa ka socda dalka Jabuuti, waxaana Magaalada Beladweyne looga yaqaanaa (Ciidamada Hiil Walaal).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment