Thursday, January 8, 2015

Somaliland oo jawaab Kulul ka bixisay Faro-gelin Dawladda Somaliya kaga hadashay Shirkad Hawlo Macdan Qodis ah ka wadda Gobolka Awdal

Hargeysa/Muqdisho, 08 Jan, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya oo si badheedh ah faro-gelin qaawan iyo hadal meel-ka-dhac ah ka sheegtay Hawl-gallo Macdan Qodis ah oo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ka wado deegaanno katirsan gobolka Awdal.
War-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Badroolka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay xaalado amaan-darro ka abuurtay Gobolka Awdal hawlo macdan-qodista ah ee Shirkaddaasi waddo gobolkaas. Waxaana warkan oo mid siyaasadaysan u muuqday lagu buun-buuniyay, waxa loogu digay Shirkadda Shiinaha ah oo lagu magacaabo ARC inay deegaannada gobolka Awdal ee Somaliland ka sii waddo hawlaha Mac-qodista ah. waxaanay dawladda Soomaaliya digniinteeda u daliishatay iyada oo sheegtay in goobaha Macdan qodista laga wado ay ka bara-kaceen dadkii deggenaa
Copy of XSEEN CABDI DUCAALEWasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo shalay la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa si kulul ugu jawaabay warkaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid meel ka dhac ku ah hannaanka wada hadallada ee u socdo labada waddan.
“ Gobolka Awdal wuxuu ka mid yahay dhulka Somaliland mudo 23-sano ah,mana jirto awood ay ku sheegan karto Soomaaliya kuna maamuli karto, waana arin deel qaaf ah hadalkaasi, warkaasina meel ka dhac ku noqon karaa wada-hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya,”
Wasiirka oo sii hadlayay ayaa beeniyay in Shacabka laga barakiciyay deegaanada Shirkada ARC shidaal baadhista ka waddo oo la hubeeyay maleeshiyo beeleed ilaalinaya ammaanka shaqaalaha shirkada.
Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowlada Soomaaliya aan awood u laheyn inay ka hadasho Arrimaha ka socda gudaha Somaliland, dalka Somaliland ay tahay waddan madax-banaan, xukuumadda Somaliland ay tahay cidda kaliya ee awoodda u leh inay ka arrimiso masiirka umadda iyo deegaanadooda
Tallaabada dawladda Soomaaliya ku soo faro-gelisay arrimaha gudaha Somaliland oo ka hor imanaya heshiishyo dhowaan magaalada Jabuuti ku dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo meesha ka saarayey in labada dhinac ku kacaan arrimo waxyeello u geysan kara geeddi socodka wada-hadallada labada waddan, ayaa u muuqada arrimo siyaasadeed oo dawladda Muqdisho kaga faa’idaysanayso xiisadda ka taagan gobolka Awdal.
Buuraha Simoodi ee gobolka Awdal oo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee ARC si wada-jir ah uga wadaan hawlaha Macdan-qodista ayaa ah kuwo si caadi ah u socda halkaas.
“Xasarado iyo colaado ka dhaca gobolka Awdal si looga fogaado, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa shirkadda ARC inay si deg-deg ah u joojiso macdan baadhista sharci-darrada ah ee ay waddo, taasoo dhalisay xasarad siyaasadeed iyo nabadgelyo-darrada ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa mid nabdoon,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay dawladda Soomaaliya.
Waxaanu hadalkani ku soo beegmay xilli ay muddo kooban ka hadhsan tahay shirka wada-hadallada u dhexeeya labada waddan oo loo muddeeyey inay bisha Labaad ee sannadkan ku qabsoomo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Maaha markii koowaad ee dawladda Soomaaliya sidan oo kale ugu kacdo tallaabo burinaysa heshiisyo labada dhinac ku galeen shirarkii hore ee wada-hadallada, waxaana hore u jiray inay sidan oo kale ay dawladda Muqdisho ugu kacdo faro-gelin ay ku samaysay heshiisyo laga gaadhay maamulka Hawada Sare ee dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya, kaas oo ka mid noqday qodobkii ugu xaasaasinaa ee lagaga hadlay shirarkii u dambeeyey ee wada-xaajoodyada labada waddan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment