Muqdisho, 08 Jan, 2015 (Himilo)- Dawladda Soomaaliya, ayaa bilowday olole siyaasadaysan oo ay ku soo faro-gelisay isla markaana ay kaga hadashay hawlo-macdan qodis ah oo xukuumaddu ka waddo deegaanno ka tirsan gobolka Awdal, taas oo ay kaga faa’idaysanayso xiisadda tabashada beeleed salka ku haysa ee ka taagan gobolkaas.
Tallaabada dawladda Soomaaliya ku soo faro-gelisay arrimaha gudaha Somaliland, ayaa ka hor imanaya heshiishyo dhowaan magaalada Jabuuti ku dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo meesha ka saarayey in labada dhinac ku kacaan arrimo waxyeello u geysan kara geeddi socodka wada-hadallada labada waddan.
War-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Badroolka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay xaalado amaan-darro ka abuurtay Gobolka Awdal hawlaha macdan-qodista ah ee Shirkadda laga leeyahay waddanka Shiinuhu ka waddo gobolkaas.
Warkan oo u muuqda mid siyaasadaysan islamarkaana la buun-buuniyay laguna sheegay in xaalad amaan darro ka jirto Gobolkaasi, ayay xukumadda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uga digtay Shirkadda ARC oo laga leeyahay dalka Shiinaha inay deegaannada gobolka Awdal ee Somaliland ka sii waddo hawlaha Mac-qodista ah.
“Howlaha ARC ay sida sharci-darrada ah uga waddo Somalia waxay abuurtay xasillooni-darro soo wajahday deegaannadaas, kadib markii ay boqolaal qof oo meleeshiyaad ah shaqaaleysay si ay u ilaaliyaan shirkadda iyo shaqaalaha howsha u wada, isla markasna ay barakicisay dadkii iyo duunyadii ku noolaa deegaankaas,” ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Macdanta Somalia.
“Xasarado iyo colaado ka dhaca gobolka Awdal si looga fogaado, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa shirkadda ARC inay si deg-deg ah u joojiso macdan baadhista sharci-darrada ah ee ay waddo, taasoo dhalisay xasarad siyaasadeed iyo nabadgelyo-darrada ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa mid nabdoon,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.
Mushkiladaha warkan lagu sheegay iyo malleeshiyaadka barakaca sameeyay ayaa ah xaalad aan ka jirin Gobolka Awdal marka laga reebo tabasho salka ku haysa Saami qaybsi oo Reer Awdal tirsanayaan, waxaanu warkani u muuqdaa mid lagaga faa’idaysanayo buun-buuninta arrintan.
Buuraha Simoodi ee gobolka Awdal oo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee ARC si wada-jir ah uga wadaan hawlaha Macdan-qodista ayaa ah kuwo si caadi ah u socda halkaas.
Hadalkan ka soo baxay Xukumadda Somalia ayaa u muuqda mid waxyeelaynaya heshiisyadii Soomaaliya iyo Somaliland hore u dhexmaray ee sheegayay In laga fogaado wax kasta oo wada hadallada carqalad gelin kara iyo In aan la siyaasadayn deeqaha bani’aadannimo, maashaariicda dib u dhiska lana dhiirageliyo.
Waxaanu hadalkani ku soo beegmay xilli ay muddo kooban ka hadhsan tahay shirka wada-hadallada u dhexeeya labada waddan oo loo muddeeyey inay bisha Labaad ee sannadkan ku qabsoomo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Maaha markii koowaad ee dawladda Soomaaliya sidan oo kale ugu kacdo tallaabo burinaysa heshiisyo labada dhinac ku galeen shirarkii hore ee wada-hadallada, waxaana hore u jiray inay sidan oo kale ay dawladda Muqdisho ugu kacdo faro-gelin ay ku samaysay heshiisyo laga gaadhay maamulka Hawada Sare ee dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya, kaas oo ka mid noqday qodobkii ugu xaasaasinaa ee lagaga hadlay shirarkii u dambeeyey ee wada-xaajoodyada labada waddan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment