Thursday, January 8, 2015

Qiimaha Shidaalka caydhiin oo hoos u dhacay iyo sababaha loo aaneynayo

London 08 January, 2015 (Himilo)- Qiimaha shidaalka caydhiin (weli aan la warshadeyn) ayaa weli hoos u sii dhacaya, taasoo shalay uu markii u horeysey gaadhey halkii foosto qiime ka hooseeya $50 USD, tan iyo sanadkii 2009, oo adduunka ka taagnayd hoos u dhaca dhaqaalaha sababay in shirkaddo waaweyn oo Maraykanku suuqa ka baxeen dhamaadkii 2008.
File photo of a flame shooting out of a chimney at a petro-industrial factory in Kawasaki near TokyoQiima dhaca ku yimid Saliidda ayaa bilowdey bartamihii sanadkii hore ee 2014, oo ahaan jiray $114 USD halkii foosto, waxaanu hoos u dhacu gaadhaya in ka badan 56%.
Sababaha keenay qiima dhaca Saliidda oo kuwo aad u badan lagu sheego ayaa u weyn, go’aan dalka Sucuudiga, oo soo saara saliida ugu badan sare u qaaday waxsoo-saarkiisa, qiimo jaban kaga iibiya dalalka Yurub.
Sidoo kale, sababaha keenay hoos u dhaca sicirka saliidda qaydhiin ee aduunka ayaanay ka madhnayn arrimo siyaasadeed, sida khubaro badan oo falanqeeya siyaasadaha caalamku qabaan, uguna weyn tahay siyaasada wadamadda reer Galbeedku ku doonayaan inay ku burburiyaan dhaqaalaha dalka Ruushka, ka dib faragelintiisii dalka Ukraine. Dhaqaalaha Ruushka oo si weyn ugu xidhan waxsoosaarka saliida ayaa la sheegayaa in arrintan hoos u dhaca sicirku saamayn weyn ku yeelatay, isla markaana qiimo dhac kukeentay lacagta dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment