Tuesday, January 13, 2015

“Ganacsigii in yar oo dhiig-miirato ah baa samaysantay… waynu ku baaba’nay oo dhaqaalaheenii hoos buu ugu dhacay Nin Taajir ah oo Jawaankii sita, galaankiina sita.”

“Dadkeenna dawarsigu wuu ku yaraa, maanta boqolkiiba sagaashan dumarkeenii iyo carruurteennii way dawarsanayaan, gurigay kuugu soo galayaan iyaga oo baahan”

“Kii dhakhtarka ahaa ee masaakiinta baadhayay labaatan dollar buu ka qaadaa tigidhka hore ee lagu galayo, marka uu baadhana wuxuu u qoraa 500 Kun oo dawo ah oo wax alla wax tayo ah oo ay leedahay aanay jirin”
Hargeysa, 13 Jan, 2015 (Himilo)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay dood xaasaasi ah kaga yeeshay heerka ay marayaan hab-nololeedka bulshada iyo wax-soo-saarka dalka oo ay sheegeen inay marayaan xaalad aan hore loo arag, waxaanay taas ku sababeeyeen inay xukuumaddu xoogga saartay kobcinta dhakhli-ururinteeda balse ay dayac-day masuuliyaddii ka saarnayd ilaalinta dhaqaalaha shacabka iyo jaan-goynta ganacsida dalka.
golahaFadhigii shalay ee Golaha Guurtida oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaasi Md Siciid Jaamac, waxa ay mudaneyaasha si qoto-dheer ugu lafo-gureen marxaladda dhaqan-dhaqaale ee bulshada Somaliland iyo caqadaha ku gedaaman inay isla jaan-qaadaan wax-soo-saarka iyo dhaqaalaha bulshada iyo dhakhliga xukuumadda uga soo xerooda cashuuraha laga qaado shacabka oo ay ku tilmaameen sababta ugu weyn ee bulshada ku keenta sicir-bararka maceeshadda iyo adeegyada bulshada oo ay sheegeen in xukuumaddu dayacday doorkii ay ku lahayd.
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ugu horeyn dooddiisa ka dhiibtay Dhaqaalaha dalka, waxa uu ka hadlay ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo sida uu saamaynta ugu yeeshay nolosha bulshada, waxaanu yidhi0 , “Soomaali ahaan caado ayaynu leenahay, caadadaasi waa ta wax innaga xumaysa, haddaynu wax kordhinno dib uma soo celin karno koob Shaah ahna ha ahaadee, laakiin ciddii dib u soo celin lahayd ee tacriifadda sar-goyn lahayd waa Xukuumadda oo barnaamijkaas danteeda ka raacday, waxay illowday wixii shacabka. Raashinka dalka la keenaa waa kii ugu xukumaa Adduunka, tacriifadda la qaadaana saddex-laab bay noqotay, wakhtigii dawladdii hore jirtay iyo ta maanta jirta waa kala laba. Taas waxaan ka leeyahay, cashuurtii waa kordhiyey oo waxay wanaajisay miisaaniyaddii, laakiin shacabkii uunbaa la dhibay, sicir-barar nooc walba ah baa kacay, qofkii danyarta ahaa ee labada boqol looga soo diri jiray dibadda wax alla wuxu ku hagaajiyo ma garanyo oo maanta bakhti buu ku jiraa.
Dadkeenna dawarsigu wuu ku yaraa, maanta boqolkiiba sagaashan dumarkeenii iyo carruurteennii way dawarsanayaan, gurigay kuugu soo galayaan iyaga oo baahan, waa xaqiiq aanan been ka sheegayn. taasna waxa keentay ilaalin-la’aan.Ciddii masuuliyaddu ka saarnayd, Innagana (Guurtida) innagu daroo, Fulinta (Xukuumadda) oo kaliya masuuliyaddu ma saarnee, ilaalin la’aan baa keentay.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Wax-qabadka dawladda marka laga eego, dawladdu ha inoo beddesho wax-soo-saarka, waayo raashin baynu leenahay oo dhulkeenna waxbaa ka baxa’e, haddii la doonayo dhaqaaluhu inuu kobco, aan dhulkeenna wax ka soo saarno, cashuur la kordhinayaana waxba inoo qaban mayso; dawladna wax u qaban mayso, shacabkana way dilaysaa. Markaa waxaan leeyahay, wax-qabashada dawladda halagu saleeyo wax-soo-saar.”
Md Obsiiyo waxa uu si gaarka u canaantay ganacsatada iyo tijaarta dalka, waxaanu yidhi, “Tijaartana waxaan leeyahay intaad kolba leedihiin mishiin yar oo dawladeed qandaraas nagu siiya, waxaad u baydhaan oo lacagtiina galisaan sidii wax loo soo saari lahaa oo dalku horumar cunto u heli lahaa, adduunyada ta laysku dhaafay waa beeraha. Xoolaheennii waa gabaabsi, suuqoodiina maanta wuu liitaa, dhaqankoodiina wuu yar yahay oo kii neef lahaa magaaladuu ka soo galay, neefkiina cidla jooji maayo, taasna waxaan leeyahay dadkan magaalooyinka soo galay ee ciidda ka batay, halagu celiyo xoolaha.”
Waxa kale oo uu ka hadlay Kala-xadayn la’aanta ganacsiga iyo dhibaatada uu bulshada ku hayo, waxaanu yidhi, “Ganacsigiina in yar oo dhiig-miirato ah baa samaysantaye, waar halagu soo celiyo ganacsigii isu-miisaanaa ee midna keeni jiray midna ka sii iibsan jiray. Waynu ku baaba’nay oo dhaqaalaheenii hoos buu ugu dhacay Nin Taajir ah oo Jawaankiina sita, galaankiina sita.
Halkaynu maanta marayno waligeen hore umaynaan gaadhin. Somaliland waxay maanta u qaybsan tahay saddex dabaqadood oo waxaynu noqonnay sidii Hindiya oo kale; Wax liita, wax noloshoodii sii jiitaymayso iyo dabaqad cirka gaadhay.”
Xildhibaan Sahal Iidle Dirir.oo ka mid ah mudaneyaashii doodda ka qayb-galay, waxa uu talo-soo-jeedin ka dhiibtay qaabka ugu habboon ee loo kobcin karo dhaqaalaha dalka, waxaanu sheegay in xoogga la saarayo laba qodob oo koboca dhaqaalaha wax ka tari kara, kuwaas oo kala ah Maalgashi lagu sameeyo kheyraadka dalka iyo Wax-soo-saar lagaga maarwo badeecadaha dalka dibaddiisa laga keeno.
“Markay dhaqaale ka hadlayno, wuxuu u kala baxaa Wax-soo-saar, maal-gelin iyo Cashuur. Laakiin innaga dhaqaalaheennu wuxuu ku salaysan yahay cashuur oo ah Kharash, laakiin dhaqaalaha dalku waa inuu ku salaysnaadaa maal-gelin iyo wax-soo-saar. Dalkeennu wuxuu leeyahay Milix iyo Kalluun, kuwaasi waxay u baahan yihiin in la maal-geliyo si uu wax uga qabto Wax-soo-saarkii iyo Dhaqaalihii dalka. Maaha Dhaqaaluhu cashuur la kordhiyo ee waa inuu noqdo mid maal-gelin iyo wax-soo-saar ah.
Waxaan ku talinayaa Xagga wax-soo-saarka haloo baydho oo hala maalgeliyo Kalluunka, Milixda iyo Beeraha oo xukuumaddu cashuurtan faraha badan ee ay soo saarto yaanay ka dhigin kharash uune, wax-soo-saarkana hala geliyo,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Sahal Iidle Dirir.
Waxa kale oo mudaneyaasha fadhiga shalay dooddooda ka dhiibtay ka mid ah Xidlhibaan Siciid Cabdilaahi oo ku dooday in farqi weyni u dhexeeyo koboca dhaqaale Xukuumadda iyo bulshada, taas oo uu ku sababeeyey doorkii wax-soo-saarka dalka oo meesha ka baxay iyo xukuumadda oo ku mashquushay kobcinta ilaha dakhli-ururinta, waxaanu yidhi, “Dhaqaalaha Xukuumadda miisaniyaddoodu korbuu u kacay, laakiin maalintii xukuumaddani talada dalka timi dollarku wuxuu marayay 600 kun, maantana wuxuu maraya 730 kun, markaa waxan ay sheegayaan waa wax dadweynaha ku kordhay oo dhaqaalahoodii dhabarka ka jabiyey. Marka dhaqaalaha xukuumaddu kordhaba waxa daba-ordhaya oo kordhnaya kirooyinkii gurayaha oo dollar ah.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa intaas ka sii daran kii dhakhtarka ahaa ee masaakiinta baadhayay labaatan dollar buu ka qaadaa tigidhka hore ee lagu galayo, marka uu baadhana wuxuu u qoraa 500 Kun oo dawo ah oo wax alla wax tayo ah oo ay leedahay aanay jirin. Haddii qofku soo helo labaatankii Dollar ee tigidhka, ma soo heli karo intii dawada, taasina waa dhaqaale-darro ku dhacday bulshada Somaliland.”
Si kastaba ha ahaatee, dhammaan fadhiga shalay oo jewigiisu ka duwanaa kulamada caadiga ah ee Golaha isla markaana ay xildhibaannada muujiyeen inay dareensan yihiin baahiyaadka aasaasiga ah ee bulshada oo dawladdu dayacday, ayaa dhammaantood isla qiray in heerka Dhaqaale ee bulshadu aanay ahayn wax la sii eegan karo, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inaanay ka fekerin kaliya kobcinta dhaqaalaha iyo dakhliga ilaha wax-soo-saarka ee hay’adaha xukuumadda, ablse hoos loo eego waxna laga qabto dhaqalaha bulshada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment