Hargeysa, 14 Jan, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xadhigga ka jaray wejiga kowaad ee dhismaha Jidka Dawga Cad oo isku xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Ceel-Sheekh oo masaafo ahaan isu jira 105KM, taas oo la dhammaystiray 60KM oo ka mid ah.
Munaasibad ballaadhan oo xadhig-ka-jarista wejiga hore ee jidka loogu qabtay goobta ay ku egtahay 60KM ee la dhammaystiray oo laga taagay teendho weyn oo marti-sharafta loogu talo-galay, waxa ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Marwadiisa, Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, Xildhibaanno, Salaadiin, Wax-garad, Guddiga gacanta ku haysa Dhismaha Dawga Cad iyo Marti-sharaf kale.
Eng Axmed Warsame Siciid oo ka tirsan Guddiga Dhismaha Jidka Dawga Cad oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey marxaladihii ay soo martay qorshayaashii lagu hindisay dhismaha jidka oo dhibaato ku hayn jiray bulshada deegaanka iyo gaadiidka ku safra waddada, isaga oo sheegay inay ku dhintaan dad tiro-badan iyo xoolo ku burburay. Eng Axmed Warsame waxa uu xukuumadda uga mahad-celiyey lacag dhan 190 Kun oo Dollar oo ay ku darsatay jidkaas oo adduunka ku baxay wejigiisa koowaad ee shalay madaxweynuhu xadhigga ka jaray ay bixiyeen dadka shacabka ee gudaha iyo dibadda dalka kudhaqan. “Xukuumaddu iyadaa gacan naga siiyey miinooyinka aanu ku bannaynay waddada, intii aanu dhisaynayna waxay nagu caawisay 190-Kun oo Dollar ayay na siiyey. Annaga oo og in dawladda dalkaa dhan ku maamusho cashuurta yar ee aynu bixinno, cagtayadu kuma badnayn xukuumadda, waxaanu islahayn markaad idinku wax-qabataan ee muujisaan wax , dawladdana u yeedha, wixii kalana ha idinkala hawl-gasho, taasi maanta ayay taagan tahay,” sidaas ayuu yidhi Eng Axmed Warsame Siciid.
Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ka mid ah Guddigga Dhismaha Dawga Cad oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiyihii ugu horreeyey ee booqasho ku taga deegaanka dhismaha waddadu ka socoto muddadii ay Somaliland jirtay iyo wixii ka horreeyey. “Madaxweyne, dalka tartanbaa ka jira, waddooyinbaa lagu tartamayaa, Waddadani waa tii u horreeysay saddex-sannadoobay maraysaa, iyadaa lagaga wada-dayday, waananu ku faanaynaa, waayo dalkoo dhan baa laysku xidhayaa. Waxay waddadani kaga duwan tahay kuwa kale, kuwa kale dhul bannaan baa laami la dhigayaa, taayadani waxay ahayd buur la jafayo oo muddo saddex sannadood ah ayaanu jafaynay, markii dambe waxa gaadiidkiisa nagu caawiyey Maxamed Aw-Siciid.”
Sheekh Cabdiqaadir waxa uu weedho hal-xidhaalaysan u jeediyey Wasiirrada deegaanka u dhashay ee madaxweynaha ku wehelinayey booqashada.
“Waxa aan aad ugu soo dhaweynayaa wasiirrada u dhashay deegaankan oo iyaga laftigooda ay maanta ugu horeyso imaatinka halkan. Laakiin waxaan si gaar ah uga soo reebayaa Samsam (Wasiirka Waxbarshada) oo waddadani tahay mid aad ugu irmaan, mar walba way martaa hadday iskuul soo furayso oo way ka laba-jeer noqotaa, aadbaananu ugu mahad-naqayaa.”
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed oo xukuumadda uga mahad-celiyey taageerada ay ka geysatay dhammaystirka wejiga koowaad ee dhismaha jidka Dawga-cad oo uu tilmaamay inaanay suurto-gasheen haddii aanay xukuumaddu ka taageerin burburinta buuraha laga binneeyey jidka. Waxa kale oo uu Suldaanku u mahad-celiyey Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo ku taageeray gaadiid, qalab iyo shaqaale ka qayb-qaatay jeexista waddada.
Suldaanku waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Madaxda la sheegay in yar haddaan ku daro Maxamed Biixi wuu garanayaa dawgaasi siduu ahaa, macalinbuu ka ahaa Bulaxaar, markuu baabuurku meesha marayo way ka dagi jireen, maantana waad dul-cararaysaa, laakiin inaad intaa ka soo dhadhawaato oo u soo badato, ayaanu kaa rejaynaynaa”
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa guddiga gacanta ku haysa dhismaha jidka iyo bulshada deegaanka uga mahad-celiyey xoogga, talada iyo hantida ay u hureen dhismaha jidka Dawga Cad. Suldaanku waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay hoggaamiye lagu xusuusan doono inuu yahay hoggaamiyihii Cahdiga horumarka iyo dhismeyaasha waddooyinka.
Suldaan Xasan waxa uu Madaxweynaha u jeediyey hadal Garnaqsi u muuqda oo la xidhiidha dhismaha waddada iyo sidii xukuumaddu u dhammaystiri lahayd dhismaha jidka, waxaanu yidhi, “Madaxweyne, Deegaankani waxoogaa sida dawladaha loo maalo ma yaqaanaan, bixiya mooyaane, keen, arrinkaas laguma xaman tan iyo Ingiriiskii, luqaddaasna ma garanayaan. Codka yar oo deggen bay mudane Madaxweyne ku yidhaahdeen ‘madaxweyne intii dambe adigaanu kugu soo reebaynaa’. Mudane madaxweyne, waxaynu u soo wada-taagnayn jidad badan oo la furayo xilligaa Illaahay nasiibkaaga kugu simay ee maanta dadkii isku tashanayaan ka mid ah, luqaddii lagugula hadlayey kugulamay hadal deegaankani, hadday tahay guddiga iyo raggii iga horreeyey. Waddooyinkii hore ee aynu ku kulmi jirnay, qolooyin waxay ku odhan jireen dhegtaad noo saari, waanu kaaga fadhinaa, Illaahayna kugu xili-maayo, horena kuuguma xilin. Waxaanu kaa rejaynayaa madaxweyne, taariikhdu waa xusuuse Insha Allahu inaad halkaa sharaf weyn ka geysanayso.”
Waxa uu suldaanku intaas ku daray, “Qurbejoogta iyo dadka muwaadiniinta ah ee gudaha ku sugani door muhiim ah ayay ka qaateen, laakiin haddana wali way sugaysaa, wixii kale ee looga baahdana diyaarbay u tahay waddadii in aan lagala hadhin oo halkaa looga sii dhawaado oo himilada la xaqiijiyo ayaan ku baraarujinayaa oo diyaarayaa gude iyo dibadba. Waddadaas waxa ka hadhsan xukuumadda oo qudha lagu halleyn maayee tacab badan oo dambe in la galiyo ayaan ku boorrinayaa.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay munaasibadda, ayaa guddiga gacanta ku haysa dhismaha Jidka Dawga Cad ku ammaanay dedaalka ay u galeen hirgelinta jidka, waxaanu yidhi, “Maanta waxaan qabaa inay tahay maalin aad iyo aad u qiimo leh, haddii jidkii Caddaa ku-yar iyo ku-weyn, dadkii dibadda joogay iyo dadkii deegaankani intay is-xil-qaameen ay iyagu bilaabeen immika ay yidhaahdeen dawladdaanu uga fadhinaa in la dhammaystiro. Illaahay waxaan ka baryeyaa dawladdeena fursad ay inoogu dhammaystirto inuu siiyo, intaa Axmed Maxamed Siilaanyo madaxweynaha yahayna inuu Illaahay la qabto oo hawshaasi noqoto mid aanu is-barbartaagno oo la dhammeeyo iyo Xirsi oo qaabilsan qaabilsan jidadka oo isagana aanu aad ugu mahad-naqayno.
Wasiir Maxamed Biixi oo daba-socday hadallo duuxul ah oo madasha laga jeediyey, waxa uu ku yidhi “Haddii aanu nahay wasiirradii beeshana midkaad tidhaahdeen waanu qaadannay. Runtii, waajib bay nagu tahay tan (Dowga Cad) iyo Jidadka kale ee umaddu leedahayba maadaama oo aanu nahay wasiirradii umadda oo aanu dadka u simannahay, inaanu intaba u soo wada-jeesanno. Haseyeeshee, tan maanta la yidhi hoos baanu u eegi doonaa Insha Allahu. Samsam oo la sheegay aad iyo aad bay nooga fara-dhuuban tahay, adna waan kuu mahad-naqayaa, annaga waad na soo jiidi doontaa.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in jidka Dawga Cad uu yahay kii ugu horreeyey ee dhiirri-geliyey dhismayaasha jidadka kale ee dalka, isaga oo ka marag kacay isbeddelka lagu sameeyey Jidka Dowga Cad iyo farqiga u dhexeeya xilliyadii hore, isaga oo tusaale u soo qaatay dhowr sanno ka hor xilli uu socdaal ku maray oo inta uu baabuurka iska dhigay uu socod ku maray. “Madaxweyne, dhowr Dow-baa dalka ku yaalla, dow-yadaas hore waxa inoo sameeyey dawlado waaweyn oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Lubnaan iyo boqortooyada Ingiriiska, laakiin dhismaha dowgani waxa uu qiimo weyn u leeyahay, waxa sameeyey bulshada deegaanka iyo dawladdooda oo is-garabsanaya ayaa ku guulaystay inay sameeyaan dowgan qiimaha leh,”sidaas ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Samaale oo goobta ka hadlay, ayaa warbixiyey isbeddelka wax-soo-saar ee xukuumadda Kulmiye ka samaysay kobcinta Ilaha Dhaqaalaha dalka iyo dhiirri-gelinta bulshada ee horumarinta waddooyinka iyo iskaa-wax-u-qabto ku dhistaan mashaariic adduunka iyo lacagaha ku baxaya ay ku dhiirran karaan oo kaliya waddamada dhaqaalaheedu hore u maray marka loo eego dhaqaalaha Somaliland.
“Waa Dhab in xukuumaddu deegaan walba wax la qabto, waxase jira in mar walba waxa ay qabsanaynaa ku xidhan tahay waxa aynu haysanno. Baahida aynu qabno iyo baahida dalkeennu qabo waxay mar walba ka badan tahay waxa aynu haysanno,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Wasiir Samaale waxa uu dhinaciisa ka garaabay hadallo dhaliilo iyo garnaqsi u muuqday oo madasha ay ka jeediyeen guddiga Dhismaha Dowga Cad iyo qaar ka mid ah Salaadiin ka hadashay munaaisbadda, waxaanu yidhi,
“Haddii aanu nahay wasiirradii deegaanka ka soo jeeday, lacagta ay dawladdu bixisay annagaa bixinnay oo soo saarnay, magaca dawladdaana lagu bixiyey. Ta shakhsiga ahna waanu ka qayb-qaadanay, kelmaddaana waxa sheegi doonta walaashay Samsam oo iyadaa og intaan anigu si shakhsi ah uga qayb-qaatay Dowga haddii saaxiibaday aanay sheegin.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waa Dhab anigiyo walaalkay Maxamed Biixi oo maanta halkan joognaa inaanaan ku badnayn siyaarada iyo tegitaanka meelaha qaarkood, waanse ku badan doonnaa, waxase iyadana aan leeyahay ragga naga maqanna inaad sheegtaan bay ahayd,” Sidaas ayuu yidhi Md Samaale.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna ka hadlay munaasibadda, ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhismaha waddooyinku u leeyihiin horumarka iyo ka faa’idaysiga kheyraadka dalka oo uu sheegay inay qayb-ka-tahay qorshe xukuumad ahaan dejiyeen oo suurta-galinaya sidii 20-ka sanno ee soo socda loo hirgelin lahaa in la dhammaystiro horumarinta iyo dhismaha waddooyinka isku xidha jidadka gobollada iyo degmooyinka dalka.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in dhismaha jidka Dawga Cad iyo dhammaystirkiisu u baahan yahay tacab far-badan oo la galiyo iyo wakhti la siiyo si loo dhammaystiro inta hadhsan isla markaana aan la yaraysan, waxaanu bulshada iyo guddiga gacanta ku haysa dhismaheeda ku bogaadiyey inay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan, hawsha dhismaha jidka Dawga-Cad ay noqoto waddo heer qaran oo dhammaystirkeedu aanay cid gaar ah sugayn. Wasiirku waxa uu ballan-qaaday inay xukuumad ahaan dhincooda ka qayb-qaadan doonaan tabarucaadka jidka.
Gunaanadkii munaasibadda waxa munaasibadda hadal kooban oo dhiirr-gelin iyo ballan-qaad isugu jira ka jeediyey madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud, waxaanu sheegay in waddada Dowga Cad qiime weyn ugu fadhido isku-xidhka gobollada dalka. “Waddada Dawga Cad waa waddo muhiim weyn u leh dalka oo dadku isu socon karaan, waddooyinkuna waxay muhiim u yihiin inay umaddu isu socon karto oo wax weyn ka geysanayaan mashaariicda iyo ganacsiga. Waddada Dawga Cad waa muhiim, qiimaha ay leedahayna waanu siinnay, guddiga gacanta ku haysana aad baan u bogaadinayaa, annaguna waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu gacan libaax leh ka geysanno wixii waajib ah ee naga saaran,” Sidaas ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Siilaanyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment