Kulankan ayaa markii uu soo dhamaaday waxa labada dhinaca la Hadleen Saxaafadda, iyagoo sheegay inay dhamaysteen khilaafkii soo kala dhexgalay ee gaadhay inuu Joojiyo Socdaal ay doonayeen inay Gobolkaas ku tagaan si ay dabagal ugu sameeyaan Xafiisyadu Dawladdu halkaas ku leedahay.Kulanka maanta ee saacaddaha qaatay ka dib ayaa warbaahintu Badhasaabka waydiisay wuxuu kulanku daaraa “Kolay hawlo ay iiga maarmi waayeen uun bay iigu yeedheen, waanuna iska soo afgaranay Xaqiiqdii” ayuu ku jawaabay Gudoomiyaha Saaxil.
Gudoomiyaha Saaxil oo Suxufiyiintu waydiiyeen arrinta ku saabsan Amarka Guddida Ilaalinta Hantida qaranka kaga mamnuucay Gobolka Saaxil waxa uu ku jawaabay “Taasi waa waxaanu dhamaysanay, waxaanu ku dhamaysanayna anagaa Og”
Badhasaabka oo la waydiiyay inuu raali galin ka bixiyay Arrintaasi ayaa ka gaws adagy islamarkaana ku dooday inay tahay arrin ay wada dhamaysteen isaga iyo Guddidu.
Dhanka kale Gudoomiyaha Guddida Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, ayaa sheegay in Gudoomiyaha Saaxil raali galin ka bixiyay amarkaasi aanu awooda u lahayn ee uu hore uga sheegay saxaafadda, islamarkaana ay isla fahmeen waxa uu qoonsaday oo ahaa waxaan jirin Guddidu arrintay sheegtayna uu khalad fahmay.
Warbixin dhawaan Guddida Dabagalka Hantida Qaranku soo saareen oo daarranayd Lunsi hanti umadeed, ayaa waxa sida fiiinta uga qayliyey Xafiisyo Musuq loo tiriyey, waxana ay taasi keenay inuu Guddoomiye Famhi soo saaro Waraaq uu Guddidan kaga Mamnuucayo inay Gobolkaas dhaqdhaqaaq ka sameeyaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment