Wargeyska maanta la weeraray oo magaciisa la yidhaahdo Charlie Hebdos, waxana uu kamid ahaa wargeysyada baahiya wararka islaamka ka dhanka ah.Madaxweynaha Faransiiska , François Hollande ayaa xaqiijiyey in 11 qof ay ku dhimatey weerarka isla markaana dhaawac halis ah yihiin afar qof oo kale, Xukuumadda ayuu ugu yeedhay shir deg-deg ah, waxaana uu sheegey in aanu kaba shakisneyn in weerarkani yahay mid argagixiso.
Dhawr qof oo wejiga soo duubtey isla markaana ku hubeysnaa hubka darandooriga u dhaca ee Kalashnikovs , ayaa gudaha u galay xarunta tifaftirka Wargeyska waxaana ay bilaabeen in ay xabado badan ridaan, kadibna isla markiiba meesha ayey ka baxsadeen.
Booliska ayaa ku tilmaamey nimankan in ay ahaayeen saddex nin oo u tababaran sida Kumaandooska, ilaa haddana lama qaban.
Wargeyska Charlie Hebdo ayaa marar badan faafiyey Sawirada Kartoonka loo yaqaan oo ay wax uga sheegayaan nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariis kor-kiisa ha ahaatee.
Wargeyska ayaa maanta daabacey muuqaal kartoon ah oo ay wax uga sheegayaan hoggaamiyaha ururka ISIS Abubakar al-Baqdaadi, Sawirka ayaa u ekaa markii uu khudbadda ka jeedinaayey al-Baqdaadi masjid ku yaala Masoul dalka Ciraaq, waxaana ku qornaa qoraal Faransiis ah kaas oo tarjumaadiisu noqoneyso, wanaag u rajeyn, dhanka dariiqa caafimaadka, al-Baqdaadi
Himilo Media
No comments:
Post a Comment