Saturday, January 3, 2015

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ku Hambalyeeyey Muxaafidka Iyo Mucaaridka Dalka Jabuuti Heshiiska Ay Gaadheen

Hargeysa (Himilo) Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa hambalyo u diray muxaafidka iyo mucaaridka dalka jabuuti oo dhawaan heshiis gaadhay.

war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xisbiga kulmiye ayaa waxa uu dhignaa sidan:-

"Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka xisbiga, Guddida fulinta, Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geele, Madaxda Mucaaridka Jabuuti, iyo dhamaan shacabka reer Jabuuti, isagoo ku hambalyaynaya Heshiiska ay gaadheen madaxweynaha Jabuuti iyo mucaaradka waddankaasi.
Guddoomiyuhu wuxuu heshiiskaa u arkaa mid wax-tar u leh midnimada iyo horumarka reer Jabuuti iyo guud ahaan mandaqada Geeska Afrika.
Gabagabadii wuxuu Salaan iyo Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Jabuuti iyo shacabkiisa Curashada sanadka cusub ee milaadiga, isagoo u rajaynaya in sanadkan kiisa ku gaadhan Nabad iyo Horumar.
.
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
ALLAH MAHAD LEH
Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment