Sunday, January 4, 2015

“Madaxweynahana waan ku hambalyaynayaa xaaladdaas uu dejiyay oo anaga Saamayn nagu yeelanaysay”

Hargeysa, 04 Jan, 2015 (Himilo)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyey go’aan uu ka soo saaray murashaxnimada Xisbiga Kulmiye iyo siyaasiyiinta shaaciyey inay u taagan yihiin murashaxnimada Xisbiga Kulmiye ka dib marka uu madaxweynuhu dhammaysto muddo-xileedkiisa labaad.
Cali GurayMadaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shir-jaraa’id oo uu Jimcihii ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Cabdicasiis Samaale, Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Biixi Yoonis oo ku loomaya murashaxnimada Kulmiye ugu baaqay inaanay wakhtigan waxba isku-mashquulin tartanka murashaxnimada doorasho aan wakhtigeeda la joogin maadama uu isagu xilligan ku fadhiyo kursiga isla markaana uu yahay murashaxa Xisbiga Kulmiye ee doorashada soo socota, waxaanu ugu baaqay inay xoogga saaraan midnimada iyo sidii xisbigu guul u soo hoyn lahaa tartanka doorashada madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadkan.
Haddaba, Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo war-fidiyeennada shalay wax ka weydiiyeen aragtidooda go’aanka madaxweynaha, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu dejiyay xaalad siyaasadeed oo ka kacsanayd, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha aad baan ugu mahadnaqayaa, wuxuu dejiyay xaalad si fool xun u kacsanayd oo waliba rag siyaasiyiin ahi wad-wadeen, taas oo keentay in Kumanaan qof iyo Kharash fara badan lagu bixiyo tartan Musharaxnimo oo aan jirin.”
“Madaxweynuhu markan iyo marar horeba wuu caddeeyay inuu yahay Musharaxa Kulmiye. Doorashadan ta ka dambeysa inay u tartamaan nimankanina Khalad bay ahayd, inay doorashadan Madaxweynaha la tartamaan uun bay ahayd laakiin Saddexdooduba way caddeeyeen inaanay la tartamayn ee ay Madaxweynaha u daayeen,” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.
Mudane Cali Guray waxa kale oo uu sheegay, “Markaa wixii Dadka lagu jaah-wareerinayay way iska soo afjarantay,madaxweynahana waan ku hambalyaynayaa xaaladdaas uu dejiyay oo dabcan anaga Saamayn nagu yeelanaysay. Waxaan leeyahay Nimankaas Kala saaristooda waxaa ka fiicnayd wada Saaristooda,Markaa Madaxweynuhu hadduu wada saaray wuu Mahadsan yahay, waanan ku hambalyaynayaa,” Sidaas ayuu yidhi Cali-Guray.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment