Hargeysa, 07 Jan, 2015 (Himilo)- Guddi-hoosaadka Arrimaha bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa warbixin la xidhiidha dib-u-dhacyo ka jira adeegyada Arrimaha bulshada la xidhiidha hor-dhigay golahaas, iyada oo goleyaasha sharci-dejinta hore u meel-mariyeen xeerarkii waajibinayey oo aan ilaa wakhtigan la dabbaqin.
Dhibaatooyinka iyo dib-u-dhacyada dhinaca Adeegyada bulshada ee shalay golaha Guurtida loo soo bandhigay oo intooda badan la meelmariyey xeerarkii jidaynayey wax-ka-qabashadooda, ayaa lagu sheegay inay yihiin caqabado bulshada ka haysta isku-xidhnaan la’aanta shirkadaha is-gaadhsiinta ee dalka ka jira, saamaynta lacagaha qalaad ku yeesheen ganacsiga iyo suuqyada dalka iyo halis bulshadu kala kulanto xayawaanka Eyda oo muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn ee dalka.Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo Xubin ka ah Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka Hadlay Dhibaatooyinka xagga Nolosha ka haysta Shacabka Somaliland iyo Dibu-dhacyo ka muuqada adeegyada Bulshada Dalka.
Xildhibaanka waxa uu ka hadlay halis xayawaannada Eyda oo ku soo badanaya suuqyada caasimaddu ku hayaan Ardayda Dugsiyada iyo shacabka kaleba, taas oo uu sheegay inay u baahan tahay tallaabo deg-deg ah oo wax lagaga qabto.
Mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan oo warbixin Guddiga Arrimaha bulshadu soo diyaarisay ka hor jeedinayey fadhigii shalay ee Golaha Guurtida, waxa uu sheegay in iyadoo Eydu ku soo badanayso magaalooyinka waaweyn, haddana aanay dalka oolin Irbaddii lagu mudi lahaa qofka Eygu qaniino, waxaanu halkaas ka sheegay carruur yar yar oo hortiisa Eydu ku cuntay, kuwaas oo loo waayey Irbaddii lagaga mudi lahaa Qaniinyada Eyga.
“Waagu markuu baryo ilaa iyo toddobada Subaxnimo Carruurtii baa Iskuulada tegaysa, Eyda Magaalada joogtaana Adhiga magaalada kama yara, Irbaddii lagu mudayey Qofka Eygu qaniinana Waddanka ma taallo, Xeerkii xannaanada Xoolahana waynu ku qornay in Eygu liisan leeyahay, Carruurtiina Eybaa eryanaysa Marka waagu beryo. Saaka (Shalay subax) Labuu hortayda ku cunay, dhakhtarkaana la keenay Irbad waa loo waayey oo Djibouti ayaa loo saaray Diyaarad, xeerka Xannaanada Xoolahana way ku taalla inay Eydan la laayo wixii aan Dad lahayn,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho indho.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka hadlay sida lacagaha qalaad ee Dollar-ku u horreeyo isticmaalkoodu u bar-bixiyey lacagtii shilinka Somaliland, waxana uu yidhi, “Umaddii lacagtii Somaliland ee aynu mushaharka ku qaadanaynay kiradii Guryaha laga qaadan maayo oo Batrol lagaga iibin maayo, Nin walibana waxa uu leeyahay Dollarkii imisuu marayaa, Macallinkiina waxa uu leeyahay Dollar keena, ma Maraykan baynu nahay, arrintaasina waa mushkilad dadka haysata, waxaanan soo jeedinayaa in dadka Aqallada Kiraynaya iyo Kuwa Wax iibinayaa ay lacagta Somaliland qaataan.”
Waxa kale oo uu Xildhibaan Indho-indho ka hadlay dhibka ka taagan wada-xidhiidh la’aanta adeegyada telefoonada ee ay bixiyaan shirkadaha kala duwan ee Isgaadhsiinta dalka ka jira, waxaanu tilmaamay in xeerarkii Isgaadhsiinta ee ay ansixiyeen ay noqdeen qaar fadhiid ah oo aan shaqaynaynin, isagoo Golaha u soo jeediyey inay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Bulshada ku shaqada leh u yeedhaan oo arrimahan kala hadlaan.
“Xeer No 51 halkanaynu ku Ansixinay xeerkii isgaadhsiinta ayuuna ahaa, balse dadkii saddexdii telefoon sidii bay u sitaan, ma jirto qof la hadli kara qof kale, waxaanan soo jeedin lahaa haloo yeedho Wasiirrada Wasaaradaha, Boostada, Caafimaadka, Xaannaanada Xoolaha intaba oo guluhu halkan haku weydiiyo,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment