Wednesday, January 7, 2015

Madaxweyne Geelle oo iftiimiyey Ujeeddada Gogoshii uu u fidiyey Madaxweyneyaasha Somaliland & Somalia iyo Arrimo Qarsoon oo Kulankaas lagaga wada-hadlay

“Hadalku meelaha uu nooga bannaan yahay marka ay joogtana, waanu nidhaahdaa waanan odhan doonaa sida aanu u arkayno, kolka ay iyagu toos isku helayaana inay si caqli leh u tashadaana way ka sii fiican tahay.”

Jabuuti, 07 Jan, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii u horeysay ka hadlay natiijada wada-hadallo uu gogasheeda fidiyey oo magaalada Jabuuti ku dhexmaray dhowaan madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya, kaas oo lagu go’aamiyey heshiis ka kooban lix qodob oo lagu sii xoojiyey wada-hadalladii u socday labada waddan.
geelleKulamo fool-ka-fool ah oo uu goob-joog ka ahaa madaxweynaha Jabuuti, ayaa ku dhexmaray magaalada Jabuuti Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud 20-kii December ee sannadkii hore, laguna sii xoojinayey wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, ayaa oo noqday markii u horeysay ee wada-xaajoodka arrimaha Soomaalida ay soo dhex-galaan waddamada mandaqadda Geeska, waxaana halkaas lagu kala saxeexday heshiis ka kooban lix qodob oo intooda badan hore loogu heshiiyey balse aan la fulin, iyada oo lagu heshiiyey in bisha February ee sannadkan dib loogu kulmi doono magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Haddaba, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo tan wakhtigan wixii ka dambeeyey aan arrintan ka hadlin, ayaa ujeeddada dalkiisu u danaynayo wada-xaajoodyada u dhexeeya labada waddan ku sheegay sidii ay isugu soo dhawayn lahaayeen labada dhinac, isla markaana dhinacooda uga geysan lahaayeen wixii looga baahdo ee lagama maarmaan ah.
“Waa dad Af, Diin, jaarnimo iyo Aqoon intuba ay kulminayaan oo horena ay wada-hadalladu Turkiga ugu qabsoomeen, ballan ay iyagu door bideen inay Jabuuti isugu yimaaddaan ayay ku timi, annagana sharaf bay noo tahay, iyagana haddii aan waxtari karno inaanu wax ku tarno, jewiguna mid aad u fiican ayuu ahaa,” Sidaas waxa yidhi Md Ismaaciil Cumar Geelle oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA.
Md Geelle oo la weydiiyey haddii ay jiraan qodobbo aan la soo bandhigin oo labada madaxweyne si hoose uga wada-hadleen, waxa uu ku jawaabay, “Wixii aan isla eegay in warbaahinta loo sheego, waanu sheegnay, wixii kalena xilligeeduunbay soo bixi doontaa.”
Mar la weydiiyey madaxweyne ahaan inuu isku soo dhawayn karo labada dhinac oo ay dawladda Jabuuti doorkaas ka gaabisay, waxa uu sheegay inaanay wada-hadallada Soomaliya iyo Somaliland ahayn wax fudud oo wakhti kooban ku dhammaan kara, loona baahan yahay wakhti la siiyo, waxaanu yidhi, “Wuu dhow yahay, heshiiskuna wuu iska iman doonaa, laakiin wakhtiga dadku kala maqan yahay hadday aad u dheer tahay, maalin qudha lama gundhin karo, waxa loo baahan in tallaabooyin badan la soo qaado oo jewi fiican, walaalnimo iyo wada-hadal nin waliba sheegi karo wixii isku keeni kara iyo wixii kala kaxaynaya, taasna way ku jiraan oo way aaminsan yihiin iyaguna inay wada-hadallada sii wataan.”
Madaxweynaha oo la weydiiyey doorka ay Dawladda Jabuuti ku leedahay dhammaystirka Wada-hadallada iyo sababta ay ula wareegi waayeen hawshaas maadaama ay yihiin waddanka Soomaaliyeed ee ugu dhow, waxa uu ku jawaabay, “Ballan hore oo jiray uun baa loo tagi doonaa kan Turkiga, wixii taas ka dambeeyana iyagaa ka tashan doona. Wax alla wixii lanooga baahando oo dhan annagu diyaar baanu u nahay.
Hadalku meelaha uu nooga bannaan yahay marka ay joogtana, waanu nidhaahdaa waanan odhan doonaa sida aanu u arkayno, kolka ay iyagu toos isku helayaana inay si caqli leh u tashadaana way ka sii fiican tahay.”
Dhinaca kale, madaxweynaha dalka Jabuuti waxa uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha iyo wax uu ka filayo qorshaha sannadka 2016-ka loo muddeeyey in laga qabto dalkaasi Soomaaliya, waxa uu ku dooday in lagu deg-degay muddadaas loo qabtay dhammaystirka dastuurka Soomaaliya.
“Waxaan Isleeyahay taariikhdaas waa lagu deg-degay, waayo waakan oo waxa lagu jiraa hirgelintii federaalka oo qabyo ah, nabadgelyadiina meelaha qaarkood halis baa ka jirta, waanu dedaali doonaa, laakiin wakhtigaasi waa cidhiidhi, wixii loo baahdana waa la kordhin doonaa (muddada). Wixii muddo-kordhin ahna annaga oo IGAD ah ayaa beesha caalamka u furi doona, dawladda iyo beesha caalamka ayaana ku dhawaaqi doona,” Sidaas ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment