Dadweyne tiro badan ayaa isugu soo baxay badhtamaha magaalada Berbera oo ay ku gubeen taayiro, kuwaasoo sheegay inay ka soo horjeedaan, isla markaana aanay aqbali doonin in dawladdu dad ganacsato ah ku wareejiso warshadda laydhka Berbera, iyadoo boolisku xabsiga u taxaabeen qaar ka mid ah dadweynaha sameeyey mudaharaadka.

“Waxa aan arkay dad aan badnayn oo ilaa toboneeyo qof ah oo aan qaarkood u arkayey inay si kale oo aan caadi ahayn wax u wadaan, inamadaas yaryarna ka ugu weyn marka aan eego wuxuu ahaa 17 sanno jir ilaa 18 sanno, habluhuna way ka yaryaraayeen, annigaana toos ugu tagay, Taliyaha booliska ee qaybtuna xagga soke ayuu istaagay, markaas ayeyna bilaabeen taayirada oo ilaa saddex taayir ayey ahaayeen, waxayna igu yidhaahdeen ‘guddoomiye, ka hadal warshadan dadka gaarka ah lagu wareejiyey.’ Wax dhaawac ama khasaare ah oo ay gaadhsiiyeen ma jirto warshadda (laydhka) oo waannu ka horjoogsanay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
Waxaannu dadweynaha ugu baaqay in la illaaliyo nabadgelyada, dadkuna is-dejiyaan, maadaama ummaddu abaal ku qabto nabadgelyada, isagoo xusay in aan loo baahnayn wax rabshado ah oo la sameeyo.
Dhinaca kale, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil, ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ay gaysteen dadka mudaharaadka sameeyey, waxaannu yidhi; “Dadku waxay dhaawac u gaysteen saddex askari, baabuurka Guddoomiyaha Gobolka Saaxil waxay ka jajabiyeen muraayadaha, baabuurka taliye booliska ah leeyahayna waxay ka jajabiyeen muraayad, baabuur nin shicib ah leeyahayna muraayad ayey ka jabiyeen, mana jiraan wax khasaare ah oo haba yaraatee loo gaystay dadweynaha shacabka ah, ciidanku way dhawrayaan dadweynaha, laakiinse dadweynuhu dhawri maayaan ciidanka.”
Ciidanka booliska oo adeegsaday rasaas ay cirka u ridayeen ayaa xoog ku kala dareeriyey dadweynaha sameeyey mudaharaadka ka dhacay magaalada Berbera, iyadoo arrintaasi aanay waxyeelo u gaysan xaalada ammaanka, isla markaana aanay jirin cid ka mid ah mudaharaadayaasha oo wax khasaare ah kala kulmay rasaasta booliska.
Dawladda Somaliland, ayaa la sheegay inay warshadda laydhka Berbera ku wareejisay shirkad madaxbannaan oo dad ganacsato ah leeyihiin, lana yidhaahdo Tayo, arrintaasoo ka cadhaysiisay dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment