
Labadii kooxood ee ugu horreeyey ee ka mid ah Kooxaha Koobkan ku tartamaya oo u badan kooxaha Heerka labaad, ayaa shalay wada Ciyaaray, waxaana ay kala ahaayeen Kooxaha Ku Kala ciyaarayey Magacyada Shirkadda East and West iyo waliba Alla Aamin, waxaana daawashadeeda kasoo qaybgalay Dadweyne Aad u tiro badan.
Munaasibaddii furitaanka Koobkan, ayaa waxa Ka Hadlay Dhalinyaradii qabanqaabadiisa wadday iyo waliba Siyaasi Cabdiqaadir Cali oo isagu iskii u maalgeliyey Koobkan, waxaana hadallo ay halkaasi ka jeediyeen ay da’yarta ugu baaqeen inay ka dheeraadaan Aafada Tahriibta.
Saleebaan Marduuf oo Qabanqaabada koobkan isku hawlay oo halkaas ugu horrayn ka Hadlay, ayaa faahfaahiyey ujeeddada rasmiga ah ee Koobkan, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in horumarka dal gaadhaa ay hormood ka noqdaan Da’yartu, “inagoo ogsoon inay aafo qaran ina haysato taas oo ah Tahriibta, ayaanu kula dagaalamaynaa Koobkan, waxaana aanu aragnay qaniimadii aynu lahayn oo ahayd da’yartii ay dalka ka tahriibayaan, Ciddii dalkan difaaci lahayd, wax baran lahayd, ama hoggaamin lahayd dalka way kasii socotaa cid ku fikiraysaana ma jirto, Koobkanna waxaanu ugu talo galnay inaanu dhallinyaraddaas kaga wacyigelino tahriibta”ayuu yidhi Saleebaan Marduuf.
Saleebaan oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in dhallinayarada Wacyigelinteeda ay isku xilqaameen, isagoo si gaar ah canaan ugu jeediyey Wasaaradda Ciyaaraha oo uu sheegay inay ka gaabisay Doorkii dhallinyarada, waxaana uu yidhi,
“Sidoo kale waxaanu doonaynaa inaanu dhallinyarada kaga wacyigelino iskooxaysiga iyo dhaqan xumada dhawaanahan inagu soo korodhay, waayo nabadgelyadii ayaa halis gashay, Wasaaraddii iyo ciddii shaqada dhalinyarada lahaydna way daayaceen, waxaana ay ka gaabiyeen mashquulintii dhallinyarada wixii aanu ku tari karno ee qalab sports ahna waanu siinaa, markaa maanta waxaanu ku furaynaa Laba Kooxood oo degmooyinka Magaalada Hargeysa ka kala socda.”
Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiyo oo Muwaadinka Koobkan maalgeliyey oo halkaas hadallo ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay qalbigiisa guu dheer tahay inuu dhallinyarada wax la qabto oo intii karaankiisa ah ka wacyigeliyo aafada Tahriibta,
“Maanta ubaxii dalku badihii bay ku leedeen, ciddina uma maqna Ceelna uma qodna, dadkii la doonayey inay dhallinyarada gaadhsiiyaan Caalamka ee ay wax u qabtaanna taas uma jeedaan, Annagana waxa naga Go’an inaanu intii karaankayaga ah uga wacyigelino Tahriibta iyo aafooyinka balwaddu ka mid tahay ee dalka kusoo kordhay, horena arrinntaas waanu u qaban jirney markii aanu ahayn ururkii Iftiin. Kan maantuna noqon maayo kii noogu dambeeyey.”ayuu yidhi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.
Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhallinyarada la jiheeyo oo shaqo loo abuuro si ay dalka ugu negaadaan, waxaana uu yidhi,
“xukuumadda iyo dadka hoggaanka haya waxaanu usoo jeedinaynaa in da’yarta la geliyo tacab muuqda oo laga dhigo dhallinyaro ku jihaysan sidii ay horumarka dalkooda uga qaybqaadan lahaayeen, dalkeenuna meel fiican buu marayaa oo waxyar baa inaga dhiman, waxaas innaga dhimmana waxaynu ku gaadhaynaa isku duubni iyo inaynu dhallinyaradeena jihayno oo shaqo loo abuuro.”
Siyaasi Cabdiqaadir ayaa farriin wax ku ool ah usoo jeediyey dhallinyarada Reer Somaliland, waxaana uu si xilkasnimo leh u sheegay in da’yartu ka waantoowdo dhibaatada tahriibta, taas Beddelkeedana ay isku hawlaan sidii ay horumarka noloshooda iyo mustaqbalkooda uga fikiri lahaayeen, waxaana uu yidhi,
“Maynaan kafayn kari waayin dhallinyaradeena waddankeenuna waa waddan qani ah, haddana badaha ayey dhallinyaradeenii ku dhamaanayaan, waxaana aanu dhallinyarada usoo jeedinayaa inay iyagu diyaar u ahaadaan oo wax qabsadaan, waayo taariikhda waxa ku xusan in dhallinyaro badani horumar badan ku tallaabsadeen. Waxaana aanu soo jeedinayaa inay tahriibta iska joojiyaan oo mustaqbalkooda ka fikiraan.”
Dhawaanahan ayaa somaliland waxa laga dareemayey soo badashada Aafada Tahriibta, waxaana Muwaadin Cabdiqaadir Cali Obsiye Haatan ka mid yahay Muwaadiniinta isku xilqaantay la dagaallanka Aafada Tahriibta, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu sii wadi doono dedaalka uu da’yarta dalka ugu dhiirrinayo sidii ay dalkooda u aamini lahaayeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment