Monday, January 12, 2015

Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray digreeto uu ku dhaqangaliyey xeerka guddida komishanka qaranka ee xakamaynta AIDS-ka

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane axmed maxamed maxamuud (Silaanyo) ayaa soo saaray wareegto uu ku dhaqangalinayey xeerka komishanka qaranka ee xakamaynta AIDS-ka.
War-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani waa kan:-
WAR-SAXAAFADEED


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyowaxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee
ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida
(Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.


Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.


ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Duhuxul)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment