Sunday, January 11, 2015

Halisaha ku Lammaan Xeerka Booliska ee Wakiilladu la jiifaan iyo Qodobbo Adhax-jab ku ah Xuquuqda Aadamaha oo Xukuumaddu danaynayso inay hirgalaan

Hargaysa, 11 Jan, 2015 (Himilo)- Xeerka Booliska Somaliland oo xukuumaddu hore ugu gudbisay Golaha Wakiillada balse dooddiisa iyo ansixintiisu kala-qaybsanaan ka dhex-abuurtay mudaneyaasha Golahaas oo ku kala argti duwan, taas oo sababtay in mudaneyaasha mucaaradka ahi ka cago-jiidaan ansixinta wax-ka-beddel iyo kaabis loogu soo gudbiyey.

Qodobbo ku jira xeerkan oo xukuumaddu u gudbisay golaha horaantii sannadkii hore, waxa ay golaha ka dalbatay in wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo, kuwaas oo ay ku sababaysay inay ka horimanayaan xeerarka ciqaabka ee dalka ka jira.

golahaQodobbada Xukuumaddu ka dalbatay in Golaha Wakiilladu wax-ka-beddelka ku sameeyaan oo saamayn ku leh ammaanka dalka, ayaa Aqalka Wakiillada loogu soo gudbiyey warqad codsi ah oo madaxweyne ku-xigeenku ku saxeexan yahay, taas oo ku taariikhaysan bishii saddexaad ee sannadkii hore, wakhtigaas oo Md Saylici uu ahaa ku-simaha Madaxweynaha oo dalka dibaddiisa ku maqnaa. Iyada oo qodobbadani halis amni-darro ku keeni karaan dalka haddii mudaneyaasha goluhu u dhigaan sida ay xukuumaddu danaynayso.

Wax-ka-beddelka qodobbada Xeerka Booliska X/L 63/2013 ee xukuumaddu ka codsatay golaha wakiilada oo nuqul ka mid ah Himilo helay, waxa ka mid ah qodobbada 16aad, 17aad, 32aad, 34aad, 35aad, 36aad, 44aad, 45aad uti 46aad.

Sida ku xusan Qoraalka madaxweyne ku-xigeenku kaga dalbaday Golaha wax-ka-beddelka, qodobka ugu xaasaasin ee saamaynta ku yeelan kara amniga dalka iyo xuquuqda aadamaha, ayaa ah qodobka 16aad faqraddiisa 7aad oo ciidanka ka mabnuucaysa inay rasaas nool u adeegsadaan dadka aan hubaysnayn xilliyada ay hawl-gallada ku jiraan, waxaanu madaxweyne ku-xigeenku ka dalbaday mudaneyaasha in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobkaas oo uu u daliishaday inuu ka horimanayo farqadaha 2aad, 3aad, 4aad iyo 9aad ee isla qodobkan oo ciidanka awood u siinaysa inay adeegsadaan Hubka. Waxa kale oo madaxweyne ku-xigeenku wax-ka-beddel qodobkan u daliishaday inuu ka horimanayo qodobka 35aad ee Xeerka Ciqaabta Guud oo ka warrama xaaladaha ciidanku hubka u adeegsan karaan.

Lama oga in mudaneyaasha Wakiilladu wax-ka-beddelka laga codsaday ku sameeyeen qodobkan, balse sida ay ku doodayaan sharci-yaqaanno aanu arritan wax ka weydiinnay, haddii farqaddan laga saaro meesha waxa ay meesha ka saaraysaa xaqa dastuurku shacabka u siiyey inay samayn karaan bannaan-bax salmi ah iyo masuuliyadda ka saaran ciidanka bileyska ilaalinta nabadgelyada iyo ammaanka oo ay ku jirto ilaalinta nafta iyo maalka qofka muwaadinka ah.

Geesta kale, qodobbada xukuumaddu ka dalbatay wax-ka-beddel lagu sameeyo, ayaa ah qodobka 17aad farqaddiisa 5aad oo ka hadlaysa masuuliyadda Sarkaalka Booliska ah ka saaran ilaalinta Xuquuqda qofka muwaadinka iyo cidda loo raacayo masuuliyadda khasaaraha ay geystaan Ciidan uu sarkaalkaasi hawl-gal u diray.

Sidoo kale, Qodobada 32aad, 34aad, 35 aad iyo 36aad ee Xeerka oo ka hadlaya anshax marinta askariga ama sarkaalka ku gefa sharciga, waxa ay xukuumaddu codsatay in meesha laga saaro, balse ma sheegin sababo ay u daliishatay in qodobbadaas meesha laga saaro, taas oo sababi karta ama meesha ka saari karta la-xisaabtankii iyo in caddaaladda la horgeeyo sarkaalka ama askariga ku gefa shuruucda uu xeerkani jidaynayo.

Xeerka Booliska oo Golaha Wakiillada horyaalla muddo ku siman 11 bilood, ayaa khilaaf iyo muran ka dhex-abuuray golaha dhexdiisa, iyada oo mudaneyaasha mucaaradka iyo kuwa muxaafadku aragti kaal duwan ka qabaan.

No comments:

Post a Comment