Madaxweynaha, ayaa la filayaa marka uu tago dalka Somalia inuu xadhiga ka jari doono Mashaariic tiro badan oo Dalkiisu ka hirgelinayo Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxana la sheegayaa in Cisbitaalka Degfeer ee Magaalada Muqdisho oo Turkigu Dib-u-habayn ku samaynayo loo bixin doono Magaca Erdogan, lagana beddeli doono Magaca Digfeer.Madaxweyne Erdogan ayaa safarkiisa ugu horeeya ee sanadkan waxa uu ku tegi doonaa qaarada Afrika isagoo booqan doona 12 dal, taasoo ah booqashadii u horeeyay ee dalkiisa uga baxo tan iyo markii sanadkii hore loo doortay Madaxweynaha Turkiga.
Sida ay sheegayaan warar laga helayo madaxtooyada dowlada Turkiga wareegga koowaad ayaa waxa uu booqan doonaa wadamada Ethiopia,Tanzania iyo Somaliya.
Erdogan ayaa waxa uu booqasho ku tegay sanadkii 2011-kii dalka Soomaaliya xilligaas oo uu ahaa Ra’iisal wasaare, iyadoo xilligaas Soomaaliya ka jirtay abaaro iyo macluul daran oo ay dad badan ku dhinteen, halka kumanaan ruux ay ka soo barakacen deegaanadooda.
Madaxweyne Erdogan ayaa muddo 12-sano ahaa Ra’iisul Wasaare, hase ahaatee waxaa uu sanadkii hore ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalkaas oo uu Madaxweyne ku noqday.
Dowlada Turkiga ayaa xidhiidh wanaagsan la leh dadka Soomaalida, waxana uu Mashaariic tiro badan ka hirgeliyey magaalada Muqdisho, waxana Shirkad Turki ahi ay gacanta ku Haysaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment