Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shir-jaraa’id oo uu Jimcihii ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Cabdicasiis Samaale, Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Biixi Yoonis oo ku loomaya murashaxnimada Kulmiye ugu baaqay inaanay wakhtigan waxba isku-mashquulin tartanka murashaxnimada doorasho aan wakhtigeeda la joogin maadama uu isagu xilligan ku fadhiyo kursiga isla markaana uu yahay murashaxa Xisbiga Kulmiye ee doorashada soo socota, waxaanu ugu baaqay inay xoogga saaraan midnimada iyo sidii xisbigu guul u soo hoyn lahaa tartanka doorashada madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadkan.
Waxa kale oo madaxweynuhu ka hadlay xiisadda uu gobolka Awdal ka dhaliyey hadal ka soo yeedhay Suldaan Abubakar Wabar oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolkaas, kaas oo dabayaaqada sannadkii hore ku dhawaaqay inaanay gobollada Awdal iyo Selal ka sii mid ahaan doonin Somaliland isla markaana uu ka soo horjeedo midnimada iyo dawladnimada Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu ku tilmaamay tallaabo Qaran-dumisnimo ah oo Suldaanku ku kacay, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaado doono, ciidamada Ammaankuna ay fasax u haystaan inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo isku-dayda inay waxyeello u geysato midnimada dalka.
Haddaba, waxa labadaas qodob siyaabo kala duwan uga hadlay Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) iyo Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Awdal
Xildhibaan Axmed-Yaasiin oo daba-socday mowqifka madaxweynuhu ka muujiyey xiisadda gobolka Awdal iyo Suldaan Wabar, ayaan salluuug ka muujiyey hadalka madaxweynuhu ka yidh Xiisadda Awdal, isaga oo ku dooday in madaxweynaha looga fadhiyey tallaabo ficil ku lammaan yahay oo uu ka geysto arrintaas, balse aan looga fadhiyin inuu hadal kaga jawaabo.“Gobolka Awdal uu madaxweynuhu kaga hadlay, waxaan is leeyahay madaxweyaha jawaabtii laga sugayey hadal ma ahayn, laakiin tallaabaa laga sugayey si dadku u degaan, waana kii ka garaabay cabashooyinkii jirey. Xataa kaa ka duday ee uu sheegayey waxay ahayd inuu la xidhiidho ee may ahayn inuu hadallo iskaga yidhaahdo, siduu doonaba ha u dhigee ka cadhoodayna isagaa u madaxwyene ah,” Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Ayaanle oo shalay la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Madaxweynaha iyo umaddii hadashay waynu isku waafaqsanahay, madaxweynaha masuuliyaddu waxay ka saaran tahay wax kasta oo khilaaf keenaya, cabashadanina waxay u timi isagoo lix bilood joogay, maantana lixdii ugu dambeeyye ayuu ku jiraa, xataa waxa uu xaq u leeyahay inuu yidhaahdo xaq uma lihidin waxa maqan,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-yaasin.
Xildhibaaka oo la weydiiyey cabashada reer Awdal tirsanayaan iyo cidda ay ka tirsanayaan, waxa uu ku jawaabay, “Cidda go’aanka laga sugaya ee laga cabanayaa wasiir ma ahee, madaxweynahay leeyihiin sad-bursiinyaan arkaynaaye xaqayaga nasii,” ayuu yidhi Xildhibaanku isaga oo intaas ku daray in aanay jirin cid reer Awdal uga lexejecelo Somaliland. “Hadday ogtahay (Xukuumaddu) inuu Suldaan Wabar guutooyin urursaday oo uu soo wado, maxaa dawladaha jaarka looga been abuurayaa, reer Awdal hadday Somaliland ka xiisoodaan oo ay Xamar u xiisoodaan talaanu isugu imanaynaa, tanna in nalooga tago mooyaane cidna uga Tegi mayno,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo isagu aragtidiisa ka dhiibtay go’aanka uu madaxweynuhu kaga badheedhay murashaxnimada Kulmiye, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku bogaadiyey inuu meesha ka saaro in loo tartamo murashaxnimo aan wakhtigeeda la joogin,
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo war-fidiyeennada shalay wax ka weydiiyeen aragtidooda go’aanka madaxweynaha, waxa uu sheegay in Madaxweynuhu dejiyay xaalad siyaasadeed oo ka kacsanayd, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha aad baan ugu mahadnaqayaa, wuxuu dejiyay xaalad si fool xun u kacsanayd oo waliba rag siyaasiyiin ahi wad-wadeen, taas oo keentay in Kumanaan qof iyo Kharash fara badan lagu bixiyo tartan Musharaxnimo oo aan jirin.”
“Madaxweynuhu markan iyo marar horeba wuu caddeeyay inuu yahay Musharaxa Kulmiye. Doorashadan ta ka dambeysa inay u tartamaan nimankanina Khalad bay ahayd, inay doorashadan Madaxweynaha la tartamaan uun bay ahayd laakiin Saddexdooduba way caddeeyeen inaanay la tartamayn ee ay Madaxweynaha u daayeen,” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.
Mudane Cali Guray waxa kale oo uu sheegay, “Markaa wixii Dadka lagu jaah-wareerinayay way iska soo afjarantay,madaxweynahana waan ku hambalyaynayaa xaaladdaas uu dejiyay oo dabcan anaga Saamayn nagu yeelanaysay. Waxaan leeyahay Nimankaas Kala saaristooda waxaa ka fiicnayd wada Saaristooda,Markaa Madaxweynuhu hadduu wada saaray wuu Mahadsan yahay, waanan ku hambalyaynayaa,” Sidaas ayuu yidhi Cali-Guray.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment