Sunday, January 4, 2015

Madaxweyne Silaanyo Waa Geesi Aan Gaban Guushana Yaqaan, Waxaan Madaxweynaha Ku Hanbalyeynayaa Khudbadii Uu Shalay Jeediyey-W/Q Ugbaad Jalaqsan

Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waanu ku hanbalyeynayaa Hadalka geesinimada leh, waana mid soo jireen ah oo waligii lagu yiqiinay, Madaxweyne siilaanyo sida uu sheegay isagaa kursiga ku fadhiya isagaa ah Madaxweynaha Qaranka, waxaana uu ku fuulay Cod ninkii caytamaya iyo kii cadhoonayaba ciil uma qabo.
Bulshada Somaliland waxay mar kale heegan u tahay inay doortaan Madaxweyne siilaanyo si uu dalka u gaadhsiiyo horumar kana dhabeeyo himilada qaranka, cidkastaaba waa ogtahay inaan Madaxweyne siilaanyo dalkan cidi uga lexejeclo badnayn tusaale waxa kuugu filan hogaamintiisii uu soo waday Jabhadii Mujaahidiintii SNM waayo ninka Jabhad hogaan usoo noqday wuu garanayaa dhibteeda, waxaa kale oo tusaale fiican kuugu filan inuu ahaa ninkii 80-cod oo laga musuq maasuqay inuu dagaalamo ka door biday danta qaranka ee yidhi waan tanaasulay.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Aadan wuxuu haybad iyo astaan u yahay qaranka somaliland waa hogoomiye leh sifooyin wanaagsan, yaqaana sida dadka iyo dalka laysugu wado, Madaxweyne siilaanyo waxaan ku hanbalyeynayaa kuna amaanayaa hadalkii uu shalay u jeediyey Saxaafada ee uu ka hadlaayey Arrinta ninka isku magacaabay Suldaan Wabar, waxaanan u bogay sida uu arrintaasi uga hadlay iyo go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay oo waligiiba lagu yiqiin silaanyo, sidoo kale Madaxweynaha waxaan iyana ku hanbaleynayaa sida uu uga hadlay khilaafka iyo yooyootanka Xisbiga Kulmiye waxaan ku farxay sida uu runta ugu sheegay kuwa isku hirdiyaaya kursiga uu ku fadhiyo.
Axmed Maxamed Maxamuud Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland geesinimada iyo hadal yaqaanimaduba waa mid uu waligii caan ku ahaa, waa hogaamiye leh go’aan xilliga ay xalaadu xuntahayna yaqaana sida loo samata saaro, waa waayo arag usoo joogay wax badan, Mudane Madaxweyne waxaan ilaahay kaaga baryeynaa Caafimaad, Cimri Dheer iyo Cibaado suuban, waxaan kuu rajaynaynaa inaad qarankan sidaa u hogaamiso inta laga gaadhayo himilada.
Ugbaad Jalaqsan
ugaabjalaqsan@gmail.com
Oslo Norway
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment