Hargeysa, 13 Jan, 2015 (Himilo)- Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa shalay xayiraad dib u saartay Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal oo ka soo baxa magaaladda Hargeysa, kaas oo Axaddii dorraad maxkamada Gobolku ka qadday xayiirad saarneyd muddo 13 bilood ah oo markii u horeysay la daabacay caddadkiisii u horreeyey wixii muddadaas ka dambeeyey maalintii Isniinta ee shalay oo uu soo baxay.
Amarka Maxkamaddu Racfaanku dib ugu xayirtay Wargeyska Hubaal, ayaa ka dambeeyey ka dib markii Xafiiska Xeer-ilaalinta gobolka Maroodijeex Racfaan ka qaatay go’aanka Maxkamadda Gobolka xayiraadda kaga qaadday Wargeyska isla markaana ay ku soo af-jartay dacwaddii loo haystay oo ku taariikheysan 11 jeenawari 2015, taas oo ku beegnayd maalintii Axadda ee todobaadkan.
Lama oga sababta ka dambaysa go’aankan, haseyeshee Sida lagu sheegay Warqad uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Durraan) oo lagu socodsiiyey taliyaha booliska qaybta galbeedka Caasimadda iyo Madbacadaha soo saara Wargeysyada inuu xayiran yahay Wargeyska Hubaal, iyada oo waraaqdan ogeysiin la siiyey hoggaanka Hawl-gelinta Ciidanka booliska.
Guddoomiye Durraan waxa uu go’aankiisa ku sheegay in Maxkamaddiisu hore xayiraad u saartay Wargeyska ka dib markii xeer ilaalintu racfaan ka qaadatay go’aan hore xayiraadda looga qaaday, isla markaana aanay jirin wax go’aan oo maxkamadda Sare ka qaadatay, sidaasna uu wali dhaqan-gal ku yahay go’aankaas hore.
Waxay ahayd 25-kii bishii siddeedaad ee sanadkii ina dhaafay 2014 markii ay Maxakamada gobolku ay xayiraadii saarneyd ka qaaday Wargeyska Hubaal, waxaana saacado kadib haddana xayiiradii saarneyd dib ugu celisay Maxkamada Racfaanka oo ku doodaysa inaanu wali burin go’aankeedaas hore maadama aanay maxkamadda sare wax qaraar ah ka gaadhin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment