
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo shalay shir-jaraa’id ku shaaciyey go’aanka lagu beddelay Miyuusikada Astaanta u ah Radio Hargeysa, waxa uu sheegay in Miyuusikada hor-dhaca u ah Wararka ka baxa Idaacadda iyo telefishanku uu ka mid yahay Astaamaha Qaran leeyahay, idaacadaha Hargeysa iyo Muqdisho-na aanay isku Astaan noqon karin, sidaas awgeedna ay go’aansadeen inay Astaantan isticmaalkeeda uga guuraan warbaahinta dawladda Soomaaliya, kana mid noqoto Hantida Somaliland kaga maqan dalkaas.
Wasiirka oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxaanu ku dhawaaqaynaa inaanu beddelnay Miyuusikada Astaantii Warka ee Idaacadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ahaa hantida shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku maqan ama ku luntay Midowgii Soomaaliya; miyuusikada ay maanta isticmaasho Idaacadda Muqdisho waa heesta uu sameeyey Basbaas oo ah muwaadin reer Somaliland ah maanta ka mid ah Fannaaniinta Qaranka.”
“Astaantaas Miyuusikada warka oo ilaa immika aynu inaguna isticmaalaynay, waxaynu uga guurnay markii ay suurta-gal noqon waynay inay iyagu inooga tagnaan. Maanta waxaynu u aqoonsannay inay Astaantaasi ka mid tahay Hantida innagaga maqan midowgii Soomaaliya ee maalin uun taariikhda laga xisaabtami doono,” ayuu yidhi Md Cukuse.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in go’aankani ka mid yahay tallaabooyinka lagu fulinayo dhismaha Qaranimada iyo madax-bannaanida Somaliland, waxaanu yidhi, “Astaanta Idaacadda Qaranku waxay ka mid ah Astaamaha ay dawladi leedahay ama waddan leeyahay, sidaa awgeed, waxa lama huraan noqotay in Idaacadda Hargeysa iyo Idaacadda Muqdisho ay laba astaamood oo kala duwan yeeshaan oo aynu toos u fulino go’aankeena dhismaha qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment