
Lassana Bathily ayaa ka shaqeynaayey qaybta hoose ee suuqa Hyper Casher , markii xabaduhu bilaabmeen 9.1.2015, ayaa dadkii u soo daateen qaybta hoose, iyaga oo ku qaylinaya qof waaalan oo dadka laynaya ayaa Suuqa soo galay.
“Waxaan maqley xabadaha dhacaya, iyo shaqaalihii saaxbiidey ahaa iyo macaamiishii oo dusha iska marey, waan u qayliyey in ay ii yimaadaan, kadib waxaan geliyey qolka qaboojinta keydka, waan ku xidhey, waxaana u sheegay in aanay qaylin oo ay aamusnaadaan, waxaana demiyey dhamaan nalalkii” ayuu yidhi, “aniguna meel kale ayaan isku qariyey kadibna waan baxsadey “ ayuu hadlakiisa sii raaciyey.
Booliska ayaa qabtey Lassana Bathily iyaga oo uga shakiyey in uu wax ka ogaa weerarkan, laakiin saacad kadib ayey siidaayeen, waxaana uu Booliska ka caawiyey in uu sharaxo wixii meesha ka dhacay.
Si loogu aqoonsado in uu yahay Halyey waxa uu u baahnaa in uu helo Saxeexyo badan, waxaana ilaa hadda saxeexey 300 000 kun oo qof in uu yahay Halyey.
Lassana Bathily ayaa yimid dalka Faransiiska sanadkii 2006 isaga oo ah 16 jir waxaana uu ka yimid dalka Mali, waxa uu dalbadey dhalashada Faransiis sanadkii 2014 laakiin ma helin.
Haatan waaxda socdaalka ee dalkaasi ayaa abaalmarin ahaan ugu ballanqaaday inay siin doonaan dhalashada Dalkooda.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment