
Xadhiga Kooxdan lagu diday ayaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo Afar ila toddoba sano, waxana ay kusii jiri doonaan Xabsiyo ku yaalla Gudaha Ethiopia oo ay muddo ku xidhnaayeen.
Sidoo kale Wasaarada Arrimaha Dibada UK ayaa xaqiijisay xadhiga labadan ruux ee heystay dhalashada British.
Saddexdan ruux ayaa lagu kala magacaabaa Ali Adros Mohamed iyo Mohamed Shariif Ahmed, kuwaasoo ku noolaa magaalada London ee dalka Britain.
Qofka saddexaad ayaa lagu magacaabaa Mohamed Ahmed oo ka yimid magaalada Hargeysa Somaliland.
Maxkamad ku taal Addis Ababa ayaa raggan ku eedeysay inay xidhiidh la lahaayeen Kooxo Islaamiyiin ah, isla markaana hadafkooda ahaa inay Gobolka ka aas aasaan dowlad islaami la mid ah tan Daacish.
Saddexdan ruux ayaa lagu eedeeyay inay u safreen magaalada Adama oo ah Caasimada Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya.
Maxkamada sare ee Addis Ababa ayaa dhageysatay dacwadaha loo heystay Ali Adros oo la sheegay inuu u socdaalay Kenya, si uu tababar ugu soo qaato, iyo heshiis la soo galay koox hubeysan, sidoo kale weeraro wada jir ah u fuliyaan isaga iyo iyo Jabhada OLF.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment