Thursday, January 15, 2015

Qaliin Lagu Sameynayey Qof Meyd Ah Oo La Joojiyey Xaalad Cusub Oo Lagu Arkay Awgeed

Zurich 15 January, 2015 (Himilo)- Dhakhaatiir qaliin xubnahiisa lagaga saaro ku samaynayey nin meyd ah ayaa degdeg u joojiyey, kadib markii dhakhaatiirtu ka war heleen in bukaankaas aanu maskax ahaan dhiman.

Dhakhaatiir ka tirsan cusbitaalka Bremen ee dalka Jarmalka loo fasaxay in maydka ay ka saraan xubno muhiim ah si loogu caawiyo dadka u baahan, ayaa intii ay ku guda jireen qalliinka qof ay u malaynaayeen mayd ayaa ka war helay inuu nool yahay qofkaas oo aannu maskaxda mayd ka ahayn.
Wargeyska Süddeutsche Zeitung ayaa daabacay in qalliinkan si dhakhso ah loo joojiyiey, kadib markii dhakhaatiirtu ka war heleen in bukaankaas aanu maskax ahaan dhiman.
dhakhaatiir.“Waa wax caqli gal ah in maskaxdu dhaawacantay, sidaa darteedna aanu sii noolaan karin, balse ka hor intii aan la baadhin in maskaxdiisu nooshahay qofna muu ogayn inuu nool yahay,” ayuu yidhi qof ka mid ahaa dhakhaatiirta qalliinka ku jiray.
Ururka dhakhaatiirta Jarmalka, ayaa dib u eegis ku samaynaaya dhacdadan sida uu wargeyska la yidhaahdo the Local oo Jarmalka ka soo baxa daabacay.
Mr. Alex Rumia oo ah Agaasimaha Ururka dhakhaatiirta, ayaa sheegay in sharcigu dhigayo in qofka maskaxdiisa la baadho ka hor inta aanu dhiman, taasna lagu ogaan karo cilmiga caafimaadka.
Sidoo kale, Ururka Dhakhaatiirta Jarmalka ee GMA waxa uu baadhaya sida dhakhaatiirtan ku ogaadeen bukaanka, kadibna ay uga halwgaleen, balse dokumantiyo la helay ayaa sheegay in bukaankan hore wadnuhu u istaagay, balse baadhitaannada la samayn doono ayaa soo saari doona sida xaaladu noqon doonto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment