
Sida la xaqiijiyaya ku dhawaad 10 sano ayey ragaan waqti xabsi ah kusoo qaateen Guantanamo waxana la sheegay in afar kamid ah la geeyay dalka Cumaan, halka ninka kale la geeyay dalka Usuweniya.
Sida la xaqiijiyay ku dhawaad 10 sano oo ay xidhnaayeen ragaan ayaa lagu eedeeyay dambi ahaa in ay xiriir la laaheeyn urur weyna Al-qaacida waxaase ay hadda mareykanku sheegayaan in wax dambi ah lagu waayay baadhitaan socday 10 sano kaddib.
Inta la sheegay 122 ayaa hadda baaqi ku ah Xabsiga Guantanamo waxaa inta badan dadka la geeyo laga soo qabtaa dalalka carabta ayadoo ay xusid mudantahay in Obama madaxweynaha dalka Mareykanka uu sheegay in sanadii 2009 la xidhi doono xabsiga hase ahaatee taasi ma dhicin oo wali waa uu shaqeeyaa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment