Buuhoodle, 14 Jan, 2015 (Himilo)- Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo socdaal ku jooga magaalada Buuhoodle oo uu kaga qayb-galay Caleemo-saarka Suldaanka Guud ee gobolka Buuhoodle, ayaa u soo jeediyey siyaasiyiinta deegaankaas u dhashay ee xilalka ka haya dalkaasi Soomaaliya inaanay ku noqdaan meelihii ay ka yimaaddeen marka xafladu dhamaato.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Xagla-toosiye oo meel fagaare ah dadweynaha kala hadlay ayaa sheegay in xukuumad ahaan raali ka yihiin in madashan lagu caleemo-saarayo garaadku dhacdo “Waxaan si weyn idiinka mahadcelinayaa soo dhoweyntiina qiimaha leh. Xukuumada Somaliland raali ayey ka tahay in madashan caleema-saarka garaadka cusub dhacdo. Waanu soo dhoweynaynaa waanu taageersan nahay, sidaa ayaan u nimi.”
Dr. Xaglatoosiye ayaa sheegay in madashu tahay mid dhaqan, isla markaana wax siyaasad ah xilligan aanu u socon, isla markaana siyaasiyiinta kale ee ka soo qeybgalay aanu ka ogolaanayn inay kaga hadlaan, “Siyaasad umaanu iman waa madal dhaqan. Qofna ka yeeli mayno inuu siyaasad la yimaado. Marka xafladu dhamaato waxaan ka dalbayaa dhamaan siyaasiyiinta ka soo qeybgalay inay meelahii ay ka yimaadeen dib ugu noqdaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment